Monday, June 17, 2013

Wargeyska Haatuf oo ay saaka Ciidamo Booliis ahi galeen

Ciidan iskugu jira CID-da oo wata askar Bilays ah, isla markaana ay ku lamaan yihiin Koox Kal-kaaliyayaal ah oo ka hawlgala Maxkamadda Hargeysa oo uu u horkacayo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dambi baadhista oo magaciisa la yidhaahdo Cali Aadan (Cali Qodaal) ayaa Maanta galinkii hore Weerar kadis ah ku soo qaaday Xurunta Wargeyska Haatuf ee Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa.

Ciidankan iyo Kalkaaliyayaashan isku soo xulufaystey Weerarkaas ayaa iyaga oo aan wax Waaran qabasho amaba Xayiraad ah midna Maxkamadda ka sidanin khasab ku soo galay xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo halkaas gacanta ku saaray Suxufi ka hawlgala Jariidada oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Xasan Budul, kaas oo ay markii hore khasab inay ku kaxeeyaan ay isku dayeen ka dibna markii uu waydiiyey sababta loo kaxaynayo iyo waxay ka rabaan ayaa Cali Qodaal oo Ciidankaas hogaaminayey uu ku wargaliyey in xarunta CID-da loogu sheegi doono waxa laga doonayo iyo sababta loogu kaxaynayo Waaran la’aan.

Sidoo kale Ciidanka galay saaka Xarunta Wargayska Haatuf ayaa markii hore isku dayey inay khasab ku kaxeeyaan Suxufigaas oo aan ahayn Tafatire iyo Guddoomiye midna balse isagu ah Reporter goobtaas ay kula kulmeen ka dibna markii ay isku dayeen inay kaxeeyaan ayaa waxa goobtaas ku soo gaadhay dadwayne buuqa ku soo baydhay iyo Suxufiyiin kale oo Ciidankii u sheegay inay talaabada ay qaadayaan ay sharciga baal-marsan tahay, isla markaana ka codsaday inay sharciga u soo maraan hawlgalkooda.

Dhinaca kale inkasta oo aanay Ciidanka xooga ku galay Xarunta Wargeysku iyo Kal-kaaliyayaashoodu aanay sheegin sababta ay hawlgalkaas sharciga baalmarsan u qaadayaan ayaa hadana dhacdadaas lala xidhiidhinayaa inay ka danbaysay Article uu Maanta oo Isniin ah uu Wargeysku ka qoray Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil (Faysal Dhaga-Dhago), Warbixintaas oo ay Jariidada Haatuf ku Faalaysay dhaqamada iyo hawlaha shaqo ee Garsoorahaas oo inta badan sharciga baalmarsan.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment