Saturday, June 1, 2013

Somaliland iyo Isbedelada Dhaqan Dhaqaale iyo Bulsho (Geopolitics) Ee Geeska Afrika ka Socda – Qaybtii 1aad Qalinkii Suleiman Ismail Bolaleh

Suleiman Ismail Bolaleh (Suleiman Xuquuq)
Qalinkii Suleiman Ismail Bolaleh

Bogcada ay dhacdo Jamhuuriyada Somaliland dhinaca Juquraafiga, ayaa noqotay mid soo jiidata qarniyo farobadan ilayaasha iyo awoodaha dunida soo maray. Muran kama taagna Diinta Islaamku iyadoon gaadhin Madiin Al Munawara in ay soo gaadhay xeebaha Somaliland, dhinaca kale, boqortooyooyinkii Turkiga, Cusmaaniyiinta, Bortuqaal iyo Isbayn ayaa mid kastaa soo gaadhay Xeebaha Somaliland xiligii ay adduunka ka talinaysay, waxaa taasi ku xigtay kacaankii warshadaha kadib boqortooyada midowday ee Britishka iyo awoodihii samaysam ee reer galbeedka ayaa iyaguna u soo kala dheeraynayan manadaqa Geeska Afrika , waxa taasi barbar socotay tartankii ay Masaaridu ugu jirtay gacan ku dhigida dhulku Soomaalildu degto.

Qarnigii hore Somaliland gaar ahaan magaalo xeebeeda Berbera ayaa soo jiidatay wadamada Ruushak iyo Maraykanka kuwaasi oo ka samaysatay saldhigyo ciidan oo dhinacyada cirka iyo badda ah. Arimahaasi ayaa ku tusaya muhiimada ay leedahay bogacada Somaliland ku taalaa Juquraafi ahaan ay u leedahay guud ahaan dunida.

Hogaamiyaayaasha Siyaasada ee Somaliland waxa la gudboon in ay ku baraarugsanaadaan isbedelada siyaasadeed, danaha Dhaqan Dhaqaale iyo bulsho ee ka socda guud ahaan manadaqada Geeska Afrika, si ay had iyo goor ugu feejignaadaan ilaalinta danaha ay gobolka ku leedahay Somaliland.

Qoraalkan waxan uga dan leeyahay in aan hoosta ka xariiqo arimo muhiim u ah masaaliixda dalkeena anigoo ku miisaamaya dhawaaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, fursadaha ugu jira Somaliland, iyo bal in aynu qiimayno dalkeenu diyaar ma u yahay, oo ma u bisil yahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha muhiimka u ah sii jiritaankiisa ee ka dhalanay waxa loo yaqaano geopolitics-ka ka socda manadaqada aynu ku naalo ee geeska Afrika.

Raiisal wasaaraha Itoobiya Haylemariam Desenlegn ayaa Baarlamaanka dalkiisa isagoo la hadlalaya 18 May 2013 shaaca ka qaaday muhimada qotada fog ee Jamhuuriayad Somaliland u leehay dalkiisa hooyo, dhinacayada dhaqaalaha, Amaanka iyo Geopoliticalka. Taasi oo kalifi karta in ay ciidamada dalkiisu ka barbar dagaalami doonaan kuwa Somaliland haddii khatari kaga timaado dhinaca Somalia iyo dhinaca argagixisada ah lababa, waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiisyo sal balaadhan oo mudo sanado ah ay dhinacyada Itoobiya iyo Somaliland ka wada shaqaynayeen ay dhawaan kala saxeexan doonaan labada dal.

Heshiisyadaasi uu Raiisal Wasaaraha Iboobiya u sheegay Golaha Baarlamaanka Dalkiisa waxa ka mid ah kuwo ganacsi, dhaqaale, isgaadhsiineed, bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo qaar dhinaca difaaca iyo amaanka la xidhiidha, waxa kale oo ku jira qaar dhianca tamarta la xidhiidha.

Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka jira Mandaqada Geesla Afrika ayaa markasta waxa ku baraarugsan oo si wayn isha ugu haya ka sakow quwadaha adduunka ugu waawayn dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo si wayn had iyo goor uga fakara in iyagoo eegaya masaaliixda, dhaqaale, amni, siyaasadeed iyo bulsho ee dalalkooda waxay wax kasta ku bixiyaan in ay ka halka ugu haboon ka fadhiistaan gadgadoonka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ka aloosan mandaqada geeska Afrika. Tusaale ahaan, madaxda dalalka IGAD qaarkood waxa werwer wayn ku haya doorka Dekeda Berbera ku yeelan karto isbedelada kala duwan ee ka socda geeska Afrika, Qaar kale oo ay ka mid tahay Sudan iyo Masar waxa werwer joogta ah ku haya hirgalinta Baliga ugu wayn Qaarada Afrika (Africa's largest hydroelectric dam) oo dhismihiisu si xawli leh uga socdo dalka Itoobiya oo ka faa’iidaysanaya biyaha wabiga Nilka, Koboca dhaqaale ee dalka Somaliland uu suurto galiyay, doorka muuqda ee dhoofka xoolaha nool iyo istiraajidiyada magaalo xeebeeda Berbera ayaa ku kaliftay qaar ka mid ah wadamada Somaliland la jaarka ahi in ay ku bixiyaan malaayiin dollar sidii ay uga hortagi lahaayeen in Dekeda Berbera noqoto xarunta  Isgaadhsiinta Geeska Afrika iyo Marsada udub dhexaadka u ah dhaqdhaqaaqa gobolka Geeska Afrika gaar ahaan dalka Itoobiya oo tirada dadkiisu haatan cagcagaynayso 90 milyan oo qof, dalkaasi oo aan lahayn bad.

Isku soo dhawaadka xoogan ee ka dhex curtay dalka Itoobiya iyo Somaliland markii labadaasi dal ay ka takhaluseen labadii kali taliye ee kala maamuli jiray labada dal oo kala ahaa Maxamed Siyaad Barre iyo Mingiste Hailamaraim ayaa waxa uu si toos ah saamayn taban ugu yeeshay masaaliixda dhaqaale iyo ganacsi ee wadamada Somalia iyo Djibouti oo xuduud la leh labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, saamayntan ayaa ku tacaluqda dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga oo ka mid ah masaaliixda qarankasta halbowlaha u ah. Xeeldheerayaasha arimaha dhaqaalaha adduunka ayaa ku tilmaamay in isku xidhanka Itoobiya iyo Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ay qudhgooyo ku tahay dhaqaalaha wadamada yaryar ee la jaarka ah labadan dal oo ay ka mid tahay jamhuuriyada Jabuuti.

Xeeldheerayaashan ayaa aaminsan in walaaca Jamhuuriyada Jabuuti ka qabto burbur ku dhaca Jamhuuriyadii Dimuqraadiga Somalia, taasi oo haddii ay dhacdo fursad u siinaysay in Somaliland ka baxdo midowgii ay 1960kii la gashay Somalia ayaa soo ifbaxay horaantii sideetamaadkii (1980s) kadib markii Madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyada Jabuuti ALLE haw naxariistee Al Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u heshiisiin lahaa labadii kalitaliye ee Siyaad Bare iyo Mingiste. Xasan Guuleed Abtidoon ayaa suurto galiyay in uu si fool ka fool ah isku soo horfadhiisiyo magaalada Jabuuti labadii kali-taliye ee Siyaad Barre iyo Mingiste daboyaaqadii bishii March 1988kii, wado hadaladaasi oo aakhirkii sababay heshiiskaasi waxay labada dal ee Itoobiya iyo Somalia ku kala saxeexdeen magaalada Muqdisho 3 April 1988kii.

Dadaalada Ilaalinta masaaliixda qaran (national interest) ee wadan kasta  waa mid joogto ah wakhtigan xaadirka ahna waa mid socta.

Dhawaaqa Raiisal Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo isgaadhsiinta xadhkaha badda hoosteeda mara la soo gaadhsiiyay magaalo xuduudeeda ganacsi ee Wajaale iyadoo xadhkahaasi isgaadhsiinta ay sidaan aanay ka iman magaalo xeebeeda Somaliland ee Berbera balse ay ka timid Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Arintan ayaa loo macnaysan karaa qalad la mid ah kii lixdankii reer Somaliland ay xoriyadoodii ku geeyeen Muqdisho, la soo noqoshadeediina ay sababtay burburka iyo halaaga ilaa maanta aynaan ka soo kaban. Qaladaadka Aadamigu galo kuwooda ugu xun ee la midka ah ruux isdeldela oo kale ayaa waxaa ka mid ah ku gabood falka xoriyada, madaxbanaanida iyo marka dal dadkiisu ilaashan waayaan masaaliixda qaran (national interest) ee dhinacyada difaaca, dhaqaalah, ganacsiga, arimaha bulshada iyo dhaqanka. Hadaba marka aynu u fiirsano fursadaha dabiiciga ah ee dalka Somaliland leeyahay tusaale ahaan bogcada uu dhaco Juquraafi ahaan, iyo fursadaha ay Somaliland u sidaan isbedelada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee ka socda geeska Afrika oo aad arkayso in ay u sidaan fursada dahabi ah dalka Somaliland iyo sida aan looga faa’iidaysanaynin fursadahaasi oo ah kuwo baahi badan uu dalku u qabo ayaa kugu dhalinaya werwer joogto ah.

Somaliland waa dal leh bad, balse sida ay haatan u dhaqmayso waxa uu la mid yahay wadan aan bad lahayn. Waxa kale oo culimada lafogurta qorshayaasha manadaqada Geeska Afrika ee dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amaanku calaamad su’aal saaraan bisaylka siyaasadeed iyo qaangaadhnimada dublamaasiyadeed ee dalka Somaliland in aanay wali ahayn mid la isku halayn karo maadaamo oo ay suurto gashay in dalal qalaad ka meel marsadaan golayaasha sharci dajinta Somaliland xeerar/qaanuuno is gawrac ku ah masaaliixda qaran ee Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mud. Ismail Omar Geele ayaa ku guulaystay suurtogalinta wajiga kowaad ee dagaalka dhaqaale, siyaasadeed iyo dublamaasiyadeed ee uu ku hayo guud ahaan qaranimada jamhuuriyada Somaliland, maadama oo uu Itoobiya tusay xadhkaha isgaadhsiinta ee Badda  hoos mara in aanay Itoobiya ka heli karin dalka Jabuuti mooyaane meel kale xataa haday u doonato Somalilandna ay yaalaan xadhkaha isgaadhsiinta ee Jamhuuriyada Jabuuti  ka yimi xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Su’aasha is waydiinta lehi waxay tahay Somaliland ma waxay suuqgayn (marketing) u samaynaysaa badeecadaha Jamhuuriyada Jabuuti ay ka iibinayso dalalka Itoobiya iyo South Sudan?

……………………La soco qaybta 2aad

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment