Orodyahanka heysta 2-da billadood ee dahabka MO Farah, ayaa wuxuu
markale uu Boqortooyada Britain u soo gacan geliyay billad kaloo dahab
ah, markii uu ku guuleystay tartanka orodada 5,000M ee Yurub.
Orodyahanka reer somaliland ee heysta dhalashada Britain, ayaa wuxuu
ka qeyb galay tartanka Sabtidii ka furmay Magaalada Gateshead ee
dalkaasi Britain.
MO Farah ayaa wuxuu orodada 5,000M uu ku soo gaba gabeeyay qaddar 14
daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi ah, waxayan tani ka caawisay inuu ku guuleysto
billadii dahabka ee abaalmarin ahaanta loo qoondeeyay.
Markii uu MO xaqiiqsaday inuu ku guuleystay orodada tartankaan, ayaa
wuxuu Sujuud kula dhacay Garoonkii uu tartanka ka soconaayay.
MO Farah oo Saxaafada ka soo dhex muuqday, ayaa wuxuu sheegay inuu si
weyn ugu faraxsan yahay guusha uu gaaray, wuxuuna intaa raaciyay inuu
sidoo kale ku faraxsan yahay inuu farxad la wadaago dadweynaha reer
British.
Orodyahanka MO ayaa wuxuu horey ugu guuleystay 2-dii billadood ee
dahabka ee orodada 10-ka kun iyo 5-ta kun, ee tartamadii Olympicada ee
lagu qabtay. Magaalada London.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment