Sunday, June 23, 2013

MO Farah Oo Ku Guuleystay Orodka 5,000M Ee Yurub Iyo Sujuud Uu Dhulka ULa Dhacay + Sawiro

Orodyahanka heysta 2-da billadood ee dahabka MO Farah, ayaa wuxuu markale uu Boqortooyada Britain u soo gacan geliyay billad kaloo dahab ah, markii uu ku guuleystay tartanka orodada 5,000M ee Yurub.

Orodyahanka reer somaliland  ee heysta dhalashada Britain, ayaa wuxuu ka qeyb galay tartanka Sabtidii ka furmay Magaalada Gateshead ee dalkaasi Britain.

MO Farah ayaa wuxuu orodada 5,000M uu ku soo gaba gabeeyay qaddar 14 daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi ah, waxayan tani ka caawisay inuu ku guuleysto billadii dahabka ee abaalmarin ahaanta loo qoondeeyay.

Markii uu MO xaqiiqsaday inuu ku guuleystay orodada tartankaan, ayaa wuxuu Sujuud kula dhacay Garoonkii uu tartanka ka soconaayay.

MO Farah oo Saxaafada ka soo dhex muuqday, ayaa wuxuu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay guusha uu gaaray, wuxuuna intaa raaciyay inuu sidoo kale ku faraxsan yahay inuu farxad la wadaago dadweynaha reer British.

Orodyahanka MO ayaa wuxuu horey ugu guuleystay 2-dii billadood ee dahabka ee orodada 10-ka kun iyo 5-ta kun, ee tartamadii Olympicada ee lagu qabtay. Magaalada London.

No comments: