Wednesday, June 26, 2013

MID KA MID AH HOGAAMIYAYAASHA UGU SAREEYA URURKA ALSHABAAB OO GACANTA LAGU DHIGAY !!! waa kuma?

Maxamed Cumar Hagafey Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaaday in xalay fiidkii ay gacanta ku dhigeen Xasan aahir Aweys iyo ciidamo uu wato oo ku suganaa degaan ka tirsan gobolka Mudug.
 
Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo ciidamo uu watay ayaa gaaray goobta uu ku sugnaa Xasan Daahir Aweys, waxaana suuragashay wadahadal dheer kadib in isku af gartay inuu isku dhiibo maamulka Ximin iyo Xeeb.
Xasan Daahir Aweys ayaa haatan ku sugan magaalada Cadaado isla markaana ciidamadii uu watay laga dhigay hubkii ay wateen, waxaana halkaasi ku ilaalinaya ciidamo gaar ah oo maamulka Ximan Xeeb ka tirsan oo si aad ah u xooggan.

Dhinaca kale Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey waxa uu warbaahinta u sheegay in goobta ay ku qabteen Xasan Daahir aanu ka dhicin wax iska hor imaad ah, isagoo isku soo dhiibay qaab wadahadal ah oo nabadeed, taasina guul laga gaaray.

No comments: