Sunday, June 16, 2013

MAWQIFKA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA S/LAND: Go’aanka Xukuumada S/Land Ee UNSOM, Xiisadaha Mandaqada Geeska Afrika, Qalalaasaha Dhinaca Saxaafada S/land & Hawlgalada Ciidamada RRU.

Office Telephone: 252 2 4429552
hornwatch@yahoo.com
HORNWATCH Index:   S/land /0443/13                                          

MAWQIFKA DIFAACAYAASHA XUQUUQDA AADAMIGA S/LAND:
 
Go’aanka Xukuumada S/Land Ee UNSOM, Xiisadaha Mandaqada Geeska Afrika, Qalaasaha Dhinaca Saxaafada S/land & Hawlgalada Ciidamada RRU.

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, oo ka kooban in ka badan 28 urur bulsho oo ka hawlgala dhamaan gobolada Somaliland waxay si wadajir ah cod midaysan ugu bayaaminayaan guud ahaan bulshada caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo daneeyayaasha arimaha Geeska Afrika, taageerada buuxda ee aanu u hayno go’aanka Xukuumada Somaliland ugu diiday in laga furo xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee UNSOM dalka Somaliland. 

Waxanu si buuxda uga soo horjeedanaa siyaasada ay Qaramada Midoobay kula dhaqamaysay 22 sano ee la soo dhaafay dalka Somaliland, Inkastoo taageerada Qaramada Midoobay la’aanteed dalka Somaliland iyo 4-tiisa  milyan ee ruux ay xaqiijiyaan hirgalinta mabaadii’da ay u abuuran tahay Qaramada Midoobay in ay dunida ka taabogaliso, hadana taasi bedelkeeda shacbiga Somaliland wuxuu ku mutaystay in Qaramada Midoobay ku ciqaabto dalka Somaliland, guulaha la’aanteed ay qabsatay oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin dhamaystiran, hubka dhigis loo qorsheeyay si qotodheer oo guulaystay, nidaam iyo kala dambayn, meelmarinta dastuur dimuquraadi ah dhismaha ciidamada sharcifulinta, maxkamadaha iyo garsoorka, furista ururada siyaasada iyo qabashada doorashooyin xor ah oo xalaal ah, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta xoolaha iyo deegaanka, la dagaalanka runta ah ee argagixisada, dambiyada abaabulan ee xuduudaha isaga gudba, la tacaalista ka ganacsiga dadka iyo tahriibka, shaqo abuurka, suurtogalinta waxbarashada aasaasiga oo khasab ah misana lacag la’aan ah, hoos u dhigida dhimashada caruurta shan jir ka yar, iska caabinta falsafadaha xagjirka ah ee kooxaha mayalka adagi ku duufsadaan dhalinta iyo haweenka.

Sidaasi awgeed Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland  waxay aaminsan yihiin il la gaadhay wakhtigii shacabka Somaliland odhan lahaayeen MAYA MAYA Tacadiyada Qaramada Midoobay, ku hayso xaqa aayo ka tashiga Qaranka Somaliland. 

Xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo itoobiya waa muqadas

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si buuxda u taageersan yihiin Dhismaha Biyo-Xidheenka Great Millennium Dam (aka the Grand Ethiopian Renaissance Dam) oo dhismihiisu uu si xawli leh uga socda dalka Itoobiya, waxanu si xoogleh u aaminsanahay dhismaha Biyo-xidheenkani in ay tahay guushiii ugu waynayd oo aadamiga ku nool Geeska Afrika hirgaliyo, faa’iidada Biyo-xidheenkani kuma koobna oo kali ah dalka Itoobiya, balse wuxuu kaalin wax ku ool ka gaysanayaa tirtirida fakhriga ragaadiyay umadaha ku nool mandaqada bariga Afrika.

Xukuumada Somaliland iyadoo fulinaysa siyaasadeed ku aadan sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, difaaca, iyo amniga ee labada dale e Itoobiya iyo Somaliland waxay suurto galisay in shacabka Somaliland sanadkii tagay 2012 noqdaan dalkii ugu horeeyay ee taageero dhaqaale oo balaadhan siiyay dhismaha Biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay si nayid sami ah u soo dhawaynayaan badheedhihii Raiisal Wasaaraha Itoobiya mudane Hailasalasa Desenlege uu dhawaan ka horjeediyay Barlamaanka dalkiisa, Waxana shacabka Somaliland la garabjoogaan taageero hiil iyo hooba ah walaalahooda shacabka Itoobiya.

Hawlgalada ciidamada RRU-da

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyagoo ku baraarugsan wakhtiga xaasaasiga ah ee ka aloosan mandaqada uu eebe ku abuuray umadda Somaliland isla markaasina xogogaal u ah duruufaha dhinaca amniga ah ee jira iyo tabaha cadowga gudaha iyo kan dibada, waxay shacbiga Somaliland uga digaynaa in aan loo bahalo galin lana nacsiinin wixii ay naf iyo maalba u soo hurteen.

Sida aynu la wada socono beryahan dambe waxa warbaahinta ku soo noqnoqonayay eedo iyo dacaayado lid ku ah ciidamada Somaliland ee loo yaqaano Ciidanka sida Degdega ah ee Adag u Jawaaba (Rabid Re-action Unit) loona soo gaabiyo RRU.

Anagoo ah ururada bulshada rayidka ah ee ka madaxabanaan Xukuumada waxanu umadda Somaliland waxanu xogogaal u ahayn fashilaado badan oo ciidamada amaanka ku yimi marar kala duwan oo ay fulinayeen hawlgalo la xidhiidha dhinaca sugida amaanka, waxa ka mid ah hawlgalkii guri ku yaalay bariga Hargeysa maalmo yar doorashadii baarlamaanka 2008, Gaadhi kireeye reer Burco ah oo bixiyay xog ciidamada amaanku ku qabteen nin sita Shandad ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, iyadoo ninkii Aaladaha Qarxa sitay si fudud uga fakaday ciidankeena mudo yar kadibna uu badhtamaha magaalada Burao ku dilay Gaadhi kireeyihii xogtiisa bixiyay isla markaasina uu fakaday ilaa hadana aan la qaban. Fashiladaasi iyo weeraradii is miidaaminta ahaa ee lala eegtay Madaxtooyada Somaliland, Safaarada Itoobiya ee Hargeysa iyo Xafiiska UNDP Hargeysa ayaa sababay in la dhiso ciidanka loo yaqaano RRU.

Sidaasi darteed, Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin ciidamada RRU-du ay ka samaysmeen dhiigii iyo dheecaankii ka dhacay shacbigii lagu xasuuqay qaraxyadii dabayaaqadii October 2009 Hargeysa. Sidoo kale waxanu si xoog leh u rumaysanahay in maanta nina aanu ku dhaaran karin kuwa ay yihiin mabaadii’da ay caruurtiisu rumaysan yihiin.

Way dhacdaa oo dhici kartaa in dad aan waxba gaysan kuna jirin in waxyeelo ka soo gaadho hawlgalada ciidanka RRU-da, laakiin shacabku ha ogaado in Dab munaafiq shiday Muumin ku gubto, maanta dambiyada dal kasta oo dunida ka mid ah ciidamadiisa amnigu la tacaalayaan ee baadhayaan maaha dambiyo muuqan kara ama la taaban karo waa dambiyo quluubta dadka ku jira sida lagu ogaadaana kaliya tahay hadba sida ay iskugu xidhan yihiin shacbiga dalkaasi iyo ciidamadiisa amaanku.

Gabogabadii waxanu aaminsanahay in maanta ay Somaliland ka amaan badan tahay ka hor markii aanay jirin Ciidamada RRU. Waxana aanu uga mahadcelinaynaa cid kasta oo taageero ka gaystay abuuridii ciidankan oo ay ugu horayso Xukuumada Somaliland, iyo Dalalka UK, US iyo Itoobiya.

Qalalaasaha Saxaafada:
Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland labadii sano ee ugu dambeeyay ku foognaa xogogaal u noqoshada sababaha keena iyo waxa uu salka ku hayo xadhiga tirada badan ee saxaafada xortaahi wariso in xukuumadda Somaliland kula kacdo, inkasta oo sida qaalibka ah uu xadhiga suxufiyiinta Somaliland ku soo koobmo qadar saacado ah sida had iyo goor dhacda. Balse marka loo dhabogalo tirada xadhigaasi lanabarbardhigo xadhiga haleela suxufiyiinta wadamada qaarada Afrika ayaa wuxuu noqonayaa xadhiga ay wariso saxaafada Somaliland in ay u gaysato xukuumada Somaliland kan ugu tirada badan guud ahaan qaarada Afrika. Sidaasi darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ay daneeyeen in ay xogogaal u noqdaan sababaha keena xadhigan ka tiro badan wadamada Qaarada ee aan ku dhaqmin nidaamka dimuquraadiyada, iyadoo dhinaca kalena xoriyada ay haysato saxaafada Somaliland guud ahaan bulshada caalamku ka marag fureen.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay daraasadoodaasi ku ogaadeen sababaha ugu badan ee keena xadhiga Suxufiyiinta dalka Somaliland ayaa ah qaar salka ku haya badi suxufiyiinta Somaliland oo aan lahayn aqoontii saxaafadeed ee aasaasiga ahayd, iyadoo mihnadda warbaahintu aanay suuqyada Somaliland ka goynin qiimo badan taasi oo sababta in hawl-wadeenada warbaahinta dalku aanay helin mushahar ku filan oo ay ku noolaan karaa iyaga iyo qoysaskoodu, arimahan ayaa sababa in qaar badan oo ka tirsan Suxufiyiinta Somaliland in ay u adeegsadaan qalabka warbaahineed ee ay gacanta ku hayaan mid ay ku gaadhaan danahooda gaarka ah, tusaale ahaan in ay kaga helaan masaaliix gaar ah madaxda hay’adaha dakhliga leh ee dalka iyo maamulada gobolada iyo kuwa dawladaha hoose.

Tan iyo markii ay dalka ka qabsoontay doorashadii dawladaha hoose daboyaaqadii sanadkii hore waxa dalka Somaliland ka soo ifbaxayay hay’ado warbaahineed oo af qabiil ku hadlaya iyadoo tan iyo la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland warbaahintii ka tisqaaday dalku ay nadiif ka ahaayeen in ay qabiil gaar ah afhayeen u noqdaan, balse maanta waxad arkaysaa beel difaacaysa hay’ad warbaahineed. Iyo warbaahin ku hadlaysa af qabiil.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxa kale oo ay xog ururimahooda ku aadan dhinaca warbaahinta Somaliland ay ku ogaadeen in warbaahinta dalku u nugushahay in ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ah iyagoo kooxahaasi ka faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee ba’an ee haysta warbaahinta, waxana taasi daliil u ah iyagoo faafiya dhaleecaynta kooxaha xagjirka ah iyo kuwa qaranimada Somaliland necebi ku hayaan dalka, kuna sheega Madaxwayne si dimuquraadi ah shacabku u soo doorteen iyo xukuumadiisuba in ayay ku sheegaan in ay yihiin argagixiso.

Dhinaca kale, Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay diiwaangaliyeen xadgudubyo lagu gaysto waxsoosaarka warbaahinta kuwaasi oo ay ka mid yihiin, shaqsi weerar, soo gudbin warar iyo xogo aan sugnayn, iyo iyagoo joogtaystay in hawl-wadeeno badan oo warbaahinta ahi u soo gudbin wararka iyo dhacdo wareedyadu sida ay u dheceen balse u soo gudbiya sida ay iyaga wax ugu goynayso ama ay jecel yhiin. Sidoo kale, iyadoo arimaha lagu majeerto warbaahinta dimuquraadiga ay tahay tan dhiiri galisa nidaamka iyo kala dambaynta ayay taasi lidkeeda warbaahinta Somaliland waxay dhiirigalisaa ku dhaqanka sharcidarada iyo burburinta nidaamka iyo kala dambaynta dalka ka jirta tusaale kooban, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ayaa diiwaan galiyay shantii bilood ugu horeeyay sanadkan 2013 in ka badan 50 war (news article) kuwaasi oo ay lagu baahiyay warbaahinta qoraalka ah, ta muuqaal araga ama TVs iyo mareegaha internetka iyagoo leh Gudoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Xaqsoor, qaanuun ahaan waa urur aan dalka uga jirin. Dadbadan ayaa is waydiinaya Saxaafada Somaliland ma iyadaa bixisa Liisamada lagu furto ururada Siyaasada?

Saxaafada Somaliland ayaa la oran karaa waxay ku guuldaraystay in ay wararka ka soo wariyaan qaybaha bulshada Somaliland ugu badan oo ah reer guuraaga, sidoo kale warbaahinta Somaliland waxay ka aradan tahay xirfadaha cilmi baadhista saxaafadeed (investigation journalism skills) taasi oo bulshada iyo dalkaba ay kaga baaqato in aanay helin xogo iyo macluumaad muhiim u ah nolosha dhaqan dhaqaale ee shacabka Somaliland, tusaale, duruufaha caafimaad, waxbarasho, dhaqaale, dhaqan ee ka jira dalka Somaliand oo ay ku duugan yihiin xogo aan la soo koobi karin oo haddii la helo sababi lahayd culays la saaro cidii u xilsaarayd si ay isbedel ugu samayso.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay rumaysan yihiin in duruufaha haatan ay ku sugan tahay warbaahinta mid loo isticmaalo qaabab ka baxsan anshaxa Saxaafadeed ee uu leeyahay dal dimuqaadi ah oo leh dastuur ilaaliya xuquuqda aadamahu. Markaad u dhabo gasho wararka ay warinayaan warbaahintu waxad ogaanaysaa in qaarbadani aanay ku salaysanayn il wareed toos ah oo jira, balse taasi bedelkeeda ay ku salaysan yihiin ikhtiyaarka suxafiga qoraya ama hay’ada warbaahineed ee warka warinaysa, taasi oo keenaysa in uu/ay sida ay u jecel yihiin iyagu warkii  in ay u sheegaan ama u qoraan.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay aaminsan yihiin Saxaafada Xorta ahi in ay halbowle lagama maarmaan ah u tahay  dal iyo bulsho xor ah.

Talaabada ugu horaysa ee qalalaasaha saxaafadeed ee ka jira Somaliland lagu daboqaban karo waxay u u arkaan Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland in ay tahay meelmarinta xeerar iyo shuruuc ku ilaalisa mihnada saxaafada dalka iyo hawlwadeenadeedaba mabaadii’da udub dhexaadka u ah saxaafad xor ah oo waafaqsan nidaamka dimuquraadiga ah dhaqan suuban ee diinta islaamka, shuruucdaasi waxa ka mid ah Xeerka Anshaxa Suxufiyiinta Dalka oo heer qaran ah, samaynta xeerka Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay suurto galin karaan in ay dalka keenaan aqoonyahano iyo khuburo caalami  ah oo gacan ka gaysta samaynta Xeer Anshax Saxaafadeed oo Qaranku yeesho.

Waxa kale oo ay Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland daruuri u arkaan in bulshada Somalialnd hesho halkii ay uga dacwoon lahaayeen xadgudubyada loogu gayusto mihnada Saxaafada, EEBE naxariistii jano haka waraabiyee Abwaan Gaariya Tixdiisii ERGO waa kii ku lahaa, DAMBI UU BADHLEEYAHAY NIN DAWEE LA LEEYAHAY INUU DAARO MA OGOLA DAARAATA NABARKA AH, Sidaasi darteed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay ku baaqayaan in qaabka looga dacwo tagayo Warbaahinta dalka aanay qab ku yeelan dhamaan dadka ku foogan hawlqabadada Warbaahinta ee shaqada markaasi ku jiraa, balse waa in ay noqotaa qaab ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada, goloyaasha sharcidajinta iyo culimada diinta.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyagoo u arkaan danaha iyo masaaliixda Qaran ee dalka Somaliland in ay yihiin qaar lama taabtaan ah, ilaalintoodana waxa umadda uga masuul ah hadba xukuumada talada dalka loo doorto ee haysa.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay halkan maanta warbaahinta uga cadaynayaan in Xayiraada Maxkamada Maroodijeex Saartay Wargayska Hubaal aanay kasbanin cambaaraynta Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland, go’aankaasina waxa difaacayaashu qaateen kadib markii aanu xogogaal u noqonay in wargaysku baahiyay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo waxyeelona u gaystan kara xidhiidhka lamataabtaanka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo wadamada dariska ah.

Dhiilo ka soo yeeraysa dhinaca garsoorka somaliland

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay ka war heleen fal dhabar-jab ku ah hay’adaha garsoorka Somaliland kaasi oo uu ku kacay Gudoomiyaha Maxkamda Racfaanka Somaliland kadib markii uu ku daray Kaaliyayaal iyo shaqaale ka tirsan Garsoorka oo uu shaqada uga cayrinayay arimo habsan iyo maqnaasho badan uu ku daray muwaadin Kaaliye ah oo aan isagu hal maalin iyo hal saac toona aan ka maqnaanin shaqadiisa kaasi oo sida ku cad warqada lagu socodsiiyay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gob. Maroodijeex ee ku taariikhaysan 30/03/2013 sumadeeduna tahay MDH/2/A/DH/10/13 kuna saxeexan yahay C/raxmaan Xasan Bile oo ah Garsooraha Makamada Degmada Axmed Dhagax, Ujeedadeeduna tahay Warbixin ku saabsan Kaaliye Kayse Axmed Faarax oo ka hawlgala Maxkamada Deg. Axmed Dhagax oo shaqadii iyadoo aan waxba lanaga waydiinin laga eryay, kadib markii la yiri waa la garan waayay meel uu joogo iyadoolaga soo bedelay Burco.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo kiiskan si qoto dheer u baadhay waxay ogaadeen in si sharci ah Wasaarada Cadaaladu Kaaliye Kayse Axmed Faarax uga soo bedeshay Maxkamda Deg. Burco una soo bedeshay Maxkamada Gob/Deg. ee Hargeysa, sida ku cad wareegtada uu ku saxeexan yahay Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ee ku taariikhaysan 19/04/2012.

Sidoo kale markaanu helay warqada uu ku saxeexan yahay Kaaliyaha Sare ee Maxkamada 
Degmada Hargeysa ee ku taariikhaysan 23/04/2012, sumadeeduna tahay MDH/22/12, ujeedadeeduna tahay Hawlgalin Kaaliye Kayse Axmed Faarax, taasi oo lagu socodsiiyay Garsooraha ka hawlgala Waxda Maxkamada Degmadda M/Haybe, iyadoo warqadan lagu sheegay “iyadoo maxkamada Degmada Hargeysa fulinaysa qoraalka Wasiirka Cadaalada ee ku taariikhaysan 19/04/2012 in Kaaliye Kayse Ahmed Faraax ka hawlgalo waaxda uu joogo garsooraha warqada lagu socodsiiyay”.

Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ogaadeen in sifo sharci ah uu Kaaliye Kayse shaqadii loo soo bedelay ku galay isla markaasina masuuliyiintii uu ka hoos shaqaynayay ay cadeeyeen in aanu maalin iska dhaafoo saacad ka maqnaan shaqadiisa isagoo bay yiraahdeen u guta sida ugu wanaagsan ee Kaaliye looga baahan yahay, Sidaasi awgeed Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay u arkaan SHAQO KA CAYRINTA muwaadin Kayse mid BAR MADOW ku ah guud ahaan cadaalada iyo garsoorka dalka, waxana lagu xadgudubay xuquuqdiisii muwaadinimo iyadoo dhinaca kalena lagu tuntay dhamaan xeerarkii iyo qaanuukii shaqaalaha dawlada taasi oo si toos ah sababteeda uu u leeyahay Gudoomiyaha Maxkamda Racfaanka Gob. Maroodijeex Cabdirashiid Duraan.

Marka madaxdii iyo Garsoorayaashii ugu sareeyay Hay’adaha Garsoorka dalkeenu ay iyaga laftoodii dulmi iyo tacadi aadaminimada ka baxsan u gaysanayaan shaqaalahoodii, malaga filan karaa in adeeg cadaalad iyo dhex ah dadwaynuhu ka helaan.

Xadgudubyada xuquuqda ra’yi dhiibashada iyo cabiraada

Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, waxay cambaaraynayaan xadhiga sharcidarada ah ee ciidamada amaanka Somaliland xoriyadiisii kaga qaadeen Mawliid Aden Cumar oo loo xidhay kadib markii uu maqaalo uu ku dhaliilayo adeega Baanka Dhexe ee Qaranku uu umadda u hayo uu ku qoray warbaahinta dalka.

Mudo todoba maalmood ah ayuu mawliid ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Hargeysa, waxana Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadidoonka ah iyo Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland u aqoonsadeen muwaadin u xidhan fikirkiisa (Prisoner of Consceince).

Sidoo kale waxa isna sidaasi oo kale maqaalo aragtidiisa uu ku cabiray dhawaan Ciidanka Booliska ee Dambi Baadhistu sifo ka baxsan sharciga ugu xidheen Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Muwaadin lagu magacaabo Cumar Goodaad oo ka soo jeeda beelaha la haybsooco kana mid ah aqoon yahanada faro ku tiriska ah ee ka soo qalin jabiyay dhawaan Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa. 

Ugu dambayn Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, ayaa xogogaal u noqday muwaadin ka soo jeeda gobolka Sool oo da’diisu marayso 80 sanadood, uu mudo 4 bilood ah ugu xidhan xabsiyada Caynabo iyo Burco sifo ka baxsan sharciga dalka. Muwaadinkan oo wiil uu adeer u yahay gaadhi dhaawac fudud oo gacanta ah ugu gaystay nin magaalada Caynabo arintaasi darteedna uga yimi miyiga bari ka xiga magaalada Laascaano isla markaasina bixiyay badhigooyo dhan US$3330 ayaa xadhigiisan waxa lagu sheegay maadaama uu yahay nin reer barri ah haddii la sii daayo waa la waayayaa.

TALO SOO JEEDIMO
Ku: Xukuumada Somaliland
  • Xukuumadda waxanu ugu baaqaynaa in ay cadaalada horkeento askartii ka tirsanayd ciidanka Booliska ee weeraray Xarunta Wargayska Hubaal, kuwaasi oo dhaawac u gaystay mid ka mid ah hawlwadeenada wargayska. Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland, weerarkan waxay u arkaan mid xili xaasaasi ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo madaxbanaanida dalka xili Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ugu saraysa ee xukuumadiisu ku gudo jirto wadahadalo heer caalami ah oo ku saabsan masiirka iyo xaqa aayo ka tashi ee qaranka Somaliland. Sidaasi darteed, dib u dhaca iyo jiitanka kiiskan ku saabsani walaac hor leh ayuu ku abuurayaa difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland, waxana aanu xukuumada ka dalbanaynaa in sida ugu dhaqsaha badan cadaalada u horkeento eedaysanayaashii qaar kood lagu qabtay iyagoo weerarkan gacanta kula jira.
  • Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta waxa aanu ugu baaqaynaa in ay samayso shuruuc iyo xeerarkii kobcin lahaa guud ahaan warbaahinta dalka mid gaar ah iyo mid xukuumi ah labadaba.
  • Masuuliyiinta Sarsare ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland waa in ay ka waantoobaan shaqo qorista ku salaysan qabiilka iyo qof jeclaysiga taasi oo ka dhigtay wasaaradii iyo adeegii muhiimka ahaa ee ay qaranka u haystay xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato ma leh.Taasi bedelkeeda masuuliyiinta Wasaarada Warfaafintu waa in ay u hawl galaan sidi ay tusaale wanaagsan ugu noqon lahaayeen dhamaaan warbaahinta dalka iyo jiilalka cusub ee mihnada warbaahinta soo galaya.
  • Waa in Wasaarada Wafaafinta Somaliland curisaa sidii dalka looga furi lahaa idaacado ka madaxbanaan siyaasad, kuwaasi oo loo adeegsan karo dhinacyada horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo wacyigalinta arimaha muhiimka u ah fayoqabka dad iyo deegaan labadaba.
  • Wasaarada Cadaalada waxanu ugu baaqaynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu celiso Kaaliye Kayse Axmed Faarax shaqadiisii oo si aadaminimada iyo wadaninimadaba lid ku ah uu uga cayriyay Gudoomiyaha Maxkamda Racafaanka Gob. Maroodijeex
  • Wasiirka Arimaha Gudaha JSL waxanu ugu baaqaynaa in degdeg xoriyadiisa ugu soo celiso Muwaadinka Mawliid Aden Cumar. 

Warbaahinta Dalka ee Gaarka ah & Ururadooda Saxaafada
Waa in ay dhaafaan heerka isku hiilinta (Advocacy NGO) oo ay suurto galiyaan horumar dhinaca aqoonta iyo xirfadaha saxaafada ah oo ay helaan hawl-wadeenada hay’adaha warbaahineed ee xubnaha ka ah ururadoodu, Ururada Saxaafada madaxabanaan laftigooda maamul ahaan iyo aqoontii urur saxaafadeed looga baahnaa malaha, marka la is barbardhigo warbixihimaha uu soo saaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA sanadihii 2011 iyo 2012, iyo warbiximaha uu soo saaro Ururka Suxufiyiinta Somalia ee (NUSOJ) waxa kuu soo baxaysa in ururka suxufiyiinta Somaliland yihiin eber (0):

Click here for SOLJA annual reports on 2012 and 2011 respectively 


Click here for NUSOJ annual report 


Ururada Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland waa in ay ka baxaan go’doonka ay kaga jiraan dhigooda Wadamada Geeska/Bariga Afrika ka jira iyo guud ahaan dunida, si ay u suurto gasho in aad la wadaagtaa waayo’aragnimada iyo khibrada iyo sidoo kale fursadaha jira ee dhinacayada tababaro, waxbarasho, helitaan xifado cusub ama/iyo agab/qalab warbaahineed.

Ku: Bulshada Caalamka iyo Deeqbixiyayaasha Warbaahinta Xorta ah
Doorka Bulshada Caalamka iyo Deeqbixiyayaasha Warbaahinta Xorta ah ay ku leedahay qalalaasaha saxaafadeed ee ka jira Somaliland yaanu ku koobnaan oo kali ah cambaarayn balse maadaama oo nidaamka Somaliland ka jira uu suurto galiyay Saxaafad Xor ah  oo naadir ku ah Qaarada Afrika iyo guud ahaan dunida seddexaad, waxa Somaliland uga baahantahay taageero wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo dhinaca aqoonta iyo xifadaha Saxaafadeed ee kala duwan in ay siiyaan guud ahaan warbaahinta xukuumada iyo tan madaxbanaan ee dalka Somaliland ka jirta.

N.B.

Cidii u baahan tafaasiil iyo cadaymo dheeraad ah oo ku saabsan arimaha lagu xusay warbixintan hala soo xiriiraan hornwatch@yahoo.com, ama xuquuq@gmail.com ama 00252 63 4429552


Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha Gudidia Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment