Tuesday, June 25, 2013

Madaxweynaha Somaliland Oo Isku shaandheyntii ugu balaadhnayd ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyntii u balaadhnayd mudadii uu xilka madaxtooyada Somaliland hayay ku sameeyay Golihiisa Wasiirradda.

Isku shaandhayntan Madaxwaynaha Somaliland wuxuu ku magacaabay ugu yaraan 17 wasiir oo cusub, halka xilalkoodii uu ka qaaday ugu yaraan 6 wasiir iyo wasiir xigeeno.

Wax xusid mudan iyadoo Madaxwayne Siilaanyo oo Golahiisa wasiirada ku soo daray 2 xubnood oo haween ah.
 
War Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan 'Dhuxul' oo ku saabsan Digreetada Magacaabis, Isku Bedel iyo Shaqo ka fadhiistinta ah ayaa u  dhignayd sidatan:-

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.

Magacyadda Wasiirrada Cusub

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade

3. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri X. Ismaaciil Baandare

4. Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax (Buureed)

5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal

6. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cabdi Kaahin

7. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Aaden Axmed Warsame

8. Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Maxamed Cabdille

9. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees

10.Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee JSL Cali Maxamuud Axmed (Sandule)

11. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye

12. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Xasan Daahir Dhinbiil

13. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar

14. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shugri Xariir Ismaaciil

15. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

16. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Daahir Camuud

17. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir

18. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka) Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

19. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN ISAGOO U MAGACAABAY XILAL CUSUB:-

1. Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka ) Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)

2. Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Cabdirisaaq Khaliif Axmed

3. Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga) Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

4. Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta) Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

5. Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha) Abiib Diiriye Nuur (Timacade)

6. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

7. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta)
Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)

8. Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada) Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)

SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-

1. Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur)

2. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan

3. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

4. Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle

5.Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Aaden Diiriye Cigaal

6. Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaamud Jibriil

Mudane Axmed Saleebaan 'Dhuxul'
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment