Ilo
wareedyo u dhuun daloola hawlgalkan ayaa Waaheen u xaqiijiyay in
Waarano qabasho ah loo jaray Maamulaha Xafiiska Cashuuraha berriga
Gobolka Saaxil Mar: Cawaale iyo sided qof oo kale, ilaa hadana wararku
waxa ay sheegayaan in hawlgalkan lagu qabtay sarkaal ka tirsan
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta.
Maamulaha
Xafiiska Cashuuraha berriga Gobolka Saaxil ayay wararku sheegayaan in
uu baxsaday kadib markii uu ka war helay qabashadiisa, waxaana
Kantaroolada Gobolkaas oo dahn la dhigay sida ay wararku sheegayaan
Askar loogu talo galay in ay qabataan.
Ilaa
hada ma cada sideeda qof ee kale ee Waaranada qabashada ah kooxdani u
jartay ee ay saaftu dul saaran tahay, hase yeeshee waxa la filayaa in
hawlgalkani sahayan doono saraakiil iyo shaqaale ka tirsan waaxaha
Dakhli Ururinta ee loo tirinayo in ay qayb ka yihiin Musuq maasuq la
sheegay in bariinsaday goobaha Dakhli soo saarka.
Hanti-dhawrka
guud ee Qaranku waxa uu hore xabsiga ugu taxaabay Cabdi Jaamac oo ka
mid ah shaqaalaha Xafiiska Cashuuraha Berriga Wasaaradda maaliyadda ee
Gobolka Saaxil, hase yeeshee ilaa wakhtigaasi oo imika laga joogo muddo
waxa socday baadhitaano la xidhiidha musuq maasuqa loo haysto oo
Hanti-dhawraha guud ku tilmaamay in ay samaysteen ama Cashuur ku qaban
jireen Buugaag Foojari ah.
Sidoo
kale, waxa uu Hanti-dhawraha guud ee Qaranku xabsiga dhigay mid ka mid
ah shaqaalaha Madbacada Qaranka ee Daabacda buugaagta Cashuuraha, kaasoo
isna uu ku eedeeynayo in uu Buugaag kuwa cashuuraha ah ka dhex saaray
kuwa ay Madbacadu u daabacdo Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana la
ogaaday in Kastamka Kalabaydh lagu soo dhaafiyay Jaad.
Kiisaskan
uu Hanti-dhawraha Guud soo bandhigay oo aan ilaa hada cidna Maxkamad
lagu horgeyn ayaa u muuqda in ay yihiin kuwo xadhiga goostay oo wali
lagu raad joogo dadkii ku wehelinayay inta la hayo, waxaanu hawlgalkan
berbera ka dhashay xiisad Xukuumadda beryahanba ka dhex aloosnayd oo
lagu doonayay in lagu soo qab qabto cid kasta oo Danbigani galo.
Xukuumadda
Madaxweyne Siilaanyo oo maalmaha soo socda sadex sano jirsanaysa ayaa
lagu eedeeyaa in Xatooyadda Xoolaha Dadweynuhu biyo dhigtay, iyadoo
dhawr Kiis oo hore qaarkood-na Maxakamaduhu xukumeen, qaarkoodna meel
dhexe laga wiiqay, kuwaas oo sahlay in dhibaatadu sidan imika loo wado u
sii fido.
Source: waaheen
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment