Search This Blog

Monday, June 24, 2013

Hanti-dhawrka iyo Xeer ilaalinta oo hawlagalo ay ku qab qabanayaan masuuliyiin ka bilaabay Berbera

Berbera - Kooxo ka socda Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee qaranka iyo Xeer ilaalinta Guud ayaa magaaladda berbera ka wada qab qabashada masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo loo jaray Waarano lagu xidhayo.

Ilo wareedyo u dhuun daloola hawlgalkan ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Waarano qabasho ah loo jaray Maamulaha Xafiiska Cashuuraha berriga Gobolka Saaxil Mar: Cawaale iyo sided qof oo kale, ilaa hadana wararku waxa ay sheegayaan in hawlgalkan lagu qabtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta.

Maamulaha Xafiiska Cashuuraha berriga Gobolka Saaxil ayay wararku sheegayaan in uu baxsaday kadib markii uu ka war helay qabashadiisa, waxaana Kantaroolada Gobolkaas oo dahn la dhigay sida ay wararku sheegayaan Askar loogu talo galay in ay qabataan.
Ilaa hada ma cada sideeda qof ee kale ee Waaranada qabashada ah kooxdani u jartay ee ay saaftu dul saaran tahay, hase yeeshee waxa la filayaa in hawlgalkani sahayan doono saraakiil iyo shaqaale ka tirsan waaxaha Dakhli Ururinta ee loo tirinayo in ay qayb ka yihiin Musuq maasuq la sheegay in bariinsaday goobaha Dakhli soo saarka.

Hanti-dhawrka guud ee Qaranku waxa uu hore xabsiga ugu taxaabay Cabdi Jaamac oo ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Cashuuraha Berriga Wasaaradda maaliyadda ee Gobolka Saaxil, hase yeeshee ilaa wakhtigaasi oo imika laga joogo muddo waxa socday baadhitaano la xidhiidha musuq maasuqa loo haysto oo Hanti-dhawraha guud ku tilmaamay in ay samaysteen ama Cashuur ku qaban jireen Buugaag Foojari ah.

Sidoo kale, waxa uu Hanti-dhawraha guud ee Qaranku xabsiga dhigay mid ka mid ah shaqaalaha Madbacada Qaranka ee Daabacda buugaagta Cashuuraha, kaasoo isna uu ku eedeeynayo in uu Buugaag kuwa cashuuraha ah ka dhex saaray kuwa ay Madbacadu u daabacdo Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana la ogaaday in Kastamka Kalabaydh lagu soo dhaafiyay Jaad.

Kiisaskan uu Hanti-dhawraha Guud soo bandhigay oo aan ilaa hada cidna Maxkamad lagu horgeyn ayaa u muuqda in ay yihiin kuwo xadhiga goostay oo wali lagu raad joogo dadkii ku wehelinayay inta la hayo, waxaanu hawlgalkan berbera ka dhashay xiisad Xukuumadda beryahanba ka dhex aloosnayd oo lagu doonayay in lagu soo qab qabto cid kasta oo Danbigani galo.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo maalmaha soo socda sadex sano jirsanaysa ayaa lagu eedeeyaa in Xatooyadda Xoolaha Dadweynuhu biyo dhigtay, iyadoo dhawr Kiis oo hore qaarkood-na Maxakamaduhu xukumeen, qaarkoodna meel dhexe laga wiiqay, kuwaas oo sahlay in dhibaatadu sidan imika loo wado u sii fido.

Source: waaheen

No comments: