Thursday, June 27, 2013

Geerida Ibraahim Afghan” Oo Lasoo Cadeeyay ” Yaase Dilay”

Warar aynu si dhab ah kaga helnay magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in la xaqiijiyay geerida sargaal kale oo Shabaab ah.
Ilo lagu kalsoon yahay oo laga xaqiijiyay dad ku dhow Shabaab ayaa sheegaya inuu geeriyooday Ibrahim

Afghan oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Shabaab.
Xidhiidho dhowr ah oo aan samaynay ayaan ku xaqiijinay geerida Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani) oo ah Hogaamiye Shabaab ah.

Sargaalkan caanka ku ah Afqaan ayaa wararku waxay shegayaan in lasoo taagay Maxkamada Shabaab ee magaaladaas Baraawe kadibne lagu xukumay dil.

Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Sargaalkaas ay meel cidlo ah gaysteen ayna qoorta ka jareen, waxaana sargaalkaas uu kamid ahaa xubno Shabaab ah oo kasoo horjeeday Axmed Cabdi CGodane

Waxan horay loo xaqiijiyay geerida Macalim C/xamiid(Burhaam) oo waalidkiis lagu wargeliyay inuu geeriyooday kadib dagaalkii Shabaab dhexmaray

Gudoomiyaha Shabaab ee Sh.Hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in ay ciidamada amniyaadka Shabaab dileen Hogaamiye Macalin Burhaan maadaama uu kamid ahaa ragii kasoo horjeeday amiirka Shabaab.
Waxaa jira warar sheegaya in Hooyada Macalin Burhaan oo lagu magacaabo Xaawo Siidow ay gaadhay Baraawe loona cadeeyay geerida Sargaalkaas.

Shabaab ayaa dagaallo xoogan dhawaan ku dhexmaray gobolka Sh/Hoose gaar ahaan magaalada Baraawe oo ah halka xiligan ay ugu xoogan yihiin.

Source: Isha Ku Hay Baligubadlemedia

No comments: