Friday, June 14, 2013

Dawladda Ethiopia Oo Si Rasmi Ah Daboolka Uga Qaaday Inay Baxday Heshiiskii Saamiga Qaybsiga Biyaha Ee Wabiga Niilka Ee La Kala Sexeeday Sanadkii 1929-kii


Dawladda Ethiopia Oo Si Rasmi Ah Daboolka Uga Qaaday Inay Baxday Heshiiskii Saamiga Qaybsiga Biyaha Ee Wabiga Niilka Ee La Kala Sexeeday Sanadkii 1929-kii



Dawladda dalka Ethiopa ayaa daboolka ka qaaday inay gebi ahaanba ka baxday heshiiskii lakala sexeexday xilligii gumaysiga ee 1929-kii, ee nidaamka saami qaybsiga biyaha webiga Niilka xaqa u siinayay inay isticmaalaan inta ugu badan wadamadda Masar Iyo Suudaan, waxaanay ku andacootay dawladda Egtiopia in aanu heshiiskaasi ahayn mid u cuntamaya waxaanay ku tilmaamtay mid wakhtigiisii uu soo gebageboobay oo aanay u hogaansami doonin.      
 
Dhinaca kale, Dalka Egypt, ayaa isna dhiniciisa gaaashaanka ku dhuftay go aankan ay dawladda Ethiopa ku qaadacday heshiiskii saamiga qaybsiga wadaaga biyaha webiga Niilka ee lakala sexeeday sanadkii 1929-kii, waxaanay dawladda Masar ku hanjabtay inay qaadayso tub kasta oo ay alabaadda ugu xidhayso kuna hakinayso biyo xidheenadda waaweyn ee ay dawladda Ethiopa ka dhisayso biyaha webiga Niilka.     
 
Si kastaba ha ahaatee, biyaha webiga Niilka ayaa lafdhabar weyn u ah oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay gebi ahaanba dadka reer Masar oo dhan oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan Afar iyo Siddeetan Milayan oo qof gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.    
 
Heshiiskaa ay qadacday Dawladda Ethiopia ee lakala sexeeday sanadkii 1929-kii ayaa xaq u siinaya wadamadda Masar iyo Sudan oo kaliya inay biyaha webiga Niilka ka samaysan karaan Biyo xidheeno, waxaana jirtay inay hore isugu dayeen wadamadda ku yaala bariga Afrika ee uu maro wabiga Niilku inay waxka badal ku sameeyaan heshiiskaa hore ee duugoobay.

No comments: