Saturday, June 29, 2013

Dagaalkii Oo Saaka Sii Xoogsaday Iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Jabahada Raaskanbooni oo is-dhiibay iyo xaalada oo cakiran.

Colonel Bare Aden Shire (Bare Hiiraale)
Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii Col Yaasiin Nuur Raadeer Iyo Gen. Cabdilaahi Ismaaciil ( Fartaag) ay isu soo dhiibeen ciidamada daacadda u Bare Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Dagaalamaayaashaan in dhiibay ayaa waxaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka, iyada oo sababta ay isu soo dhiibeen lagu sheegay laba arimood oo kala ah in laga awod roonaaday kooxdooda iyo iyaga oo markii horaba la sheegay in ay ku heyb ahaayeen Barre Hiiraale.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gen. Fartaag uu gudaha u galay garoonka diyaaradaha Kismaayo kadib markii ciidankiisii ay u galeen Barre Hiiraale si ay amaankiisa u sugaan ciidamada Kenya.

Ciidamadaan is-dhiibay ayaa waxa ay dhabar jab ku yihiin Jabhada Raas-kanbooni oo arintu aad ugu xumaatay kadib dagaalkii shalay bilaawday.

Dhanka kale, waxaa maanta socda dagaal xooggan oo bilaawday subaxnimadii hore ee saaka kadib markii ay isku jarmaadeen dhinacyadii shalay hardamay.

Xaafadaha qaar ayaa waxaa la sheegayaa in ay yaalaan meydadka ciidamadii ku geeriyooday dagaalii Shalay, gaar ahaan xaafada Siinaay halkaasi oo jab xooggan kasoo gaaray Jabhadda Raaskanbooni.

Magaalada Kismaayo ayaa xaaladeedu maanta wax ay tahay mid aad u cakiran, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka ay ku biiraan ciidanka Kenya ee taageera kooxda Axmed Madoobe uu hor-boodo ee Raas-kanbooni.

Wararka iska soo daba dhacaya ayaa intaa ku daray in ciidamada maamulka Jubbaland ee Barre Hiiraale madaxda ka yahay u suurto gashay in ay qabsadaan intabadan magaalada Kismaayo.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidankii Axmed Madoobe loo itaal sheegtay kadib markii xoog looga saaray dhammaan xarumihii muhiimka ahaa ee Kismaayo.
Xoogaga Barre Hiiraale waxay qabsadeen xarunta degmada Kismaayo saldhigga booliska,xarunta Gobolka K2,suuq Yaraha,suuqa shidaalka iyo dhammaan xarunta gaadiidka Viat.
Boqolaal katirsan xoogaga Jubbaland lamagac baxay garabka Barre Hiiraale madaxda u yahay ayaa caawa fiidkii lagu arkayay iyagoo ku roondaynaya aargada Kismaayo balse weli magaaladu waxay rimantahay colaad.
Idaacaddii ku hadli jirta Afka Maamulka Axmed Madoobe oo Hawada laga saaray.
Kadib markii loo itaal sheegtay maleeshiyaadka maamulkii Axmed Madoobe ayaa hawada laga saaray idaacadda Radio Kismaayo oo ku hadli jirtay afka maamulka KMG ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in FM-ta si dirqi ah lagula cararay gaari Roneet ah kadib markii ciidanka Barre ku dhawaadeen dhismihii ay ku shaqeynaysay oo markii dambe u gacan galay maamulka Jubbaland lamagac baxay.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay dib ugu gurteen dhanka dekadda Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Kenya.
Lama oga in Ciidanka Barre Hiiraale sii heysan doonaan magaalada iyo inkale waxaana xusid mudan in ciidanka Kenya ee xoogga ku jooga Kismaayo ay lasafanyihiin dhanka Axmed Madoobe.

No comments: