Friday, June 28, 2013

Dagaal Culus oo ay u dhan yihiin Madaxweynayaasha Jubaland oo ka qarxay Kismaayo

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo la isu adeegsanayo madaafiic ayaa saameeyay magaalada oo dhan, iyadoo xabada ay meel walba ka socoto, waxaana dagaalka uu socdaa saacad ka badan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa   sheegay in dagaalka uu si xoogan u socdo, isla markaana la isku habeensanayo, waxaana adkaatay in dadka ay salaada maqrib masaajidada ku soo dukadaan, markii dagaalka uu sii cuslaaday, xabadana ay ku faaftay magaalada oo idil.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Madaxweynayaasha ee kala ah Col. Barre Hiiraale, Iftin Xasan Baasto, iyo Cabdi Baalley oo isku dhinac ah iyo kuwa Axmed Madoobe, waxaana dagaalka ka dambeeyay markii ay qaadeen Ciidamada Axmed Madoobe.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo maalin ka hor uu iska hor imaad ku dhex maray magaalada maleeshiyaad kala taabacsan Col. Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe, markii gaari la kala dhacay, waxaana xiisada magaalada ay aheyd mid labadii maalmood ee u dambeysay aad u xooganeyd.

Gaadiidka kuwa lidka diyaaradaha ayaa dagaalka ka qeyb qaadanaya, waxaana daaraha magaalada la saartay qoryaha daran dooriga u dhaca, waxaana dagaalka uu u muuqdaa mid kala bax ah oo dhinac un ay rabto in magaalada ay u harto.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya, waxaana xaalada magaalada ay tahay mid kacsan, iyadoo dadweynaha ay xabadka dhulka ku hayaan rasaastana ay si xoogan u socoto.

Magaalada oo dhan ayaa ah mid kala xiran, iyadoo wado walba ay taagan yihiin maleeshiyaad hubeysan oo xabado ka soo ridaya, taasna ayaa xaalada sii adkeysay sida dadka deegaanka ay soo sheegeen.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Dagaal culus oo la isku habeensaday ayaa ka socda qeybo badan oo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu dhex maray Madaxweynayaasha isku heysta maamulka Jubaland, oo badankood isku dhinac ah.

No comments: