Thursday, June 27, 2013

Amiirka Cusub ee Qatar oo xilkii ka xayuubiyey Raysalwasaaraha

Sheikh Tamim bin Xaamid Al Thani ayaa xilka ka wareejiyey Raysalwasaarihii hore ee dalka Qatar Xamad bin Jassim bin Jaber bin Muhammad Al Thani oo isku hayey xilkaasi iyo waliba Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada.

Amiirka Qatar ayaa labadaasi xil u kala magacaabay labo nin oo da’a yar, kuwaasi oo kala ah Shiikh Abdullahi bin Cabdinasir bin Khalifa Al Thani oo Raysalwasaare iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabay, ninkaasi ayaa horey usoo ahaan jiray Wasiirul-dawlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Dibada loo magacaabay Dr Khalid bin Mohamed al-Attiyah oo horey usoo ahaan jiray Wasiirul-Dowlaha Arrimaha Dibada.

Khudbadii ugu horeysay oo Amiirka cusub ee Qatar soo jeediyo ayuu sidoo kale uga hadlay taageerada Qatar u heyso shacuubta reer Carab, wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay arrimaha Falastiin, Masar, Liibiya iyo Siiriya. Hase yeeshee khudbadiisa inta badan wuxuu uga hadlay arrimaha gudaha dalka Qatar.

No comments: