Search This Blog

Saturday, May 11, 2013

Madaxweynaha Puntland C/raxamaan Faroole ayaa ku weeraray dayaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada dad shacab ah oo mudaharaad lagaga soo horjeedo isaga

Madaxweynaha Puntland C/raxamaan Faroole ayaa ku weeraray dayaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada dad shacab ah oo mudaharaad ay Faroole kaga soo horjeedaan ka dhigayay magaalada Boosaaso.iyadoo ay maleeshiyaad ka amar qaata maamulka faroole oo gadooday ay labo cisho ka hor gadoodeen kadibna la wareegeen gabi ahaanba magaalada Boosaaso. 
Xaalada magaalada ayaa waxa sii cakiray kadib markii ay Dadweyna Mudaharaadayay oo ka soo hor jeeda Doorashooyinka la doonayo in Maamulkaasi laga hirgaliyo, waxaanay ku doodayaan xiligan in aanay suurtogal ahayn in Nidaam Doorasho laga hirgaliyo iyadoo dadku hubaysan yihiin isla markaana ay jiraan caqabado u dhaxeeya siyaasiyiinta Puntland.
Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqayeen in Ciidamadda Gadooday mushaharkooda la siiyo inta aanay xaaladdu faraha ka bixin, taasoo ay ka cabsi qabaan haddii la siin waayo in ay dib u qabsan doonaan Magaaladda Dagaalna ka dhici doono.
Ciidamada ilaalada Madaxweyne Faroole ayaa rasaas nool kala hor tagay Dadkaasi mudaharaadayay waxa kale oo uu amar ku bixiyay Faroole in lagu kiciyo  Diyaaradaha Dagaalka ee ay leedahay shirkadda Saarison oo ah calooshood u shaqaystayaal South Afrikaan ah uu ku adeegto Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, amaankiisana ilaaliya. Labadan diyaaradood ayaa ku ridayay hubka darandooriga u dhaca mudaharaadayaasha reer Boosaaso, waxana lagu soo waramayaa in uu jiro khassare gaadhay mudaharaadayaasha wararkaasi oo faahfaahsana gadaal ayaa aanu ka soo baahin doonaa EEBE idamkii.
Magaaladda Boosaaso waxa ka taagan cabsi xoogan waxaana soo gaadhay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland kaasoo uu Faroole soo diray, iyada oo ay wehelinayaan Ciidamo  farabadani.
Hay'addaha degan magaaladda Boosaaso ayaa ka qaxay manta xaafadaha rabsahadaha badani ka dhaceen, taasoo muujinaysa xaalada magaaladaasi inay sii xumaanayso.

No comments: