Search This Blog

Thursday, May 9, 2013

Cabsi laga qabo Nambarada Gaadiidka Dawladda in la furto oo loo adeegsado Weeraro Ismiidaamin ah

Cabsida ah in gaadiidka Dawladda laga furto Nambarada ayaa wakhtiga aad u soo kordhaysa kadib markii la ogaaday in gaadiid Dawladdu leedahay oo ka hawl gala Goboladda qaarkood laga furtay, halka Caasimadda Hargeysa baabuur shicib ah iyo kuwo Dawlada ahba marar kala duwan la furtay.
Qaylo dhaanta ah in Nambarada gaadiidka la xado ayaa soo kordhaysa xiliyadan danbe oo ay soo badanayaan tabaha iyo xeeladaha ay isticmaalaan kooxaha Xag-jirka ah ee maleega hawlada Ismiidaaminta ah iyo qorshayaasha kale ee dahsoon ee ay ku qadhaabtaan.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka ayaa bixiyay dareeno la xidhiidha khatarta ka iman karta Nambaradaasi, waxaanay kula taliyaan Dirawaliinta iyo Xafiisyada Dawladda in aan la dayacin gaadiidka dawladda oo ay sahlan tahay in loo adeegsado hawl galada waaweyn.

Gaadiidka Dawladda sababaha loo beegsanayo ayaa ah in ay goobaha Dawladda si sahlan u gala karaan isla markaana aanay Taraafikada iyo Ciidamadda Booliiskuba baadhin wakhtiyada ay marayaan jidadka iyo mararka ay isaga gooshayaan Goboladdaba.

Gaadiidka Dawladda waxa la arkaa iyaga oo ay wataan dhalinyar ay dhaleen masuuliyiinta Dawladdu, halka qaarkood imika la arko iyaga oo ay wataan xaasaskoodu, arrimahaas oo aanay Taraafikaddu xil iska saarin ama aan lagala gabanayn, iyadoo marka ay xareeyaan Amar lagu soo siiyo in ay sii daayaan.

Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade ayaa soo saaray digreetooyin lagu ilaalinayo cabsida ka iman karta gaadiidka Dawladda iyo waliba dayaca wehelka u noqday, balse marnaba Digreetooyinkaasi may dhaqan gelin, iyadoo ay ka dhaga adaygeen masuuliyiinta Dawladda laftigoodu.

Hore waxa loo qabtay Nambaro laga furanayay gaadiid Dawladdu leedahay, halka ay Geerashyada magaaladda kaga daadsan yihiin kuwo kale oo Nambaradii ku xidhan yihiin oo aan u shaqayn dayac ku yimi;

No comments: