Friday, May 3, 2013

"BIYO KAMA DHIBCAAN" Tix BAROOR DIIQ u ah Marxuun Macalin Dhoodaan

Waxa Curiyay Abwaanka Da'da Yar ee Abwaanku Dhalay Abdillahi Hassan Ganey 

"Biyo kama dhibcaan" waa gabay gaaban oo aan ugu baroor-diiqayo Abwaankii qaaliga ahaa C/laahi Macallin Dhoodaan. Rabbi haw naxariisto.
Dhudii raage dhacantii qamaan dhalashadii saahid
Dhabtii Sayidka Dhuux iyo Salaan iyo dhawaqyadii Yawle
Dhimbiishii Suldaan Tima-cadiyo dhoolki ina Jaamac
Markuu dhuuntay naxwihii mudada soo dhisnaan jiray
Ninkii gabayga oo dhici lahaa dhalasho nooleeyay
Ninkii dhaqanka oo liici laa dhaabay boqontiisa
Ninkii magaca dhiiqada ka tiray soona dhicinaayay
Geesigii ka dhiidhiyi ogaa dhiilladiyo ceebta
Boqorkeeni suugaantu dhimay Waa dhab geeriduye
Dhada xarafka, dheehiyo milgaha, dhaxalka guurawga
Murti dhafan, oo dhigan, oo ceebta laga dhawray
Tixo dhillan, dheeraadyo lagu rakibay baydka dhinicisa
Maahmaahyo lagusoo dhex daray dhumucda geeraarka
Biyo kama dhibcaan buu ahaa gabayga dhoodaan
Waligiina muu dhawran jirin mana dhabcaalayne
Sida dhool hilaacuu murtida noogu soo dhigaye
Sida dhaan nageeyuu onkoday duhur dharaareede
Sida dhibic guyaad buu da’ay dhamac kaliileede
Sida dheeho geelbuu nafluhu dhamay liskiisiiye
Haday dhagax abwaanadu yihiin dhoobo iyo ciida
Dheeman buu ahaa ina macalin dhamme gaharyowe
Dhaaxuu walaalaha lahaa waar dhagxumo diida
Dhaaxuu cadaawaha ku yidhi hadalo dhiifoone
Dhaaxay wuxuu yidhi dhaceen dhawr gu'dabdoode
In dheer garadki soomaliduu ahaa dhaqan aqoonkiiye
Ruux dhiman mid dhaawacan iyo dhiciska mooyaane
Dhaqankiisa kii nacay iyo dhurwaa nacasa mooyaane
Dhalanteedka kii jecel iyo la'aad dhoqosha mooyaane
Nin dhagaystay waa garanayaa macalin dhoodaane
Allahayaw cadaabaha ka dhawr dhamacda aafaadka
Alahayaw dunuubtana ka dheeg oo kawada dhaafba
Alahayaw fardawsana dhexgee oo dhis uga taag. 
AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

No comments: