Wednesday, May 1, 2013

Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay in loo Aar-gudi doono dadkii lagu xasuuqay Duleedka Magaalada Boosaaso

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ku goodisay in loo aargudi doono 13-kii qof ee shalay lagu xasuuqay duleedka Boosaaso ee maamul goboleed Puntland, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay fal xasuuq ah ee loo geystay dad aan waxba galabsan.

Sheikh Cali Dheere oo shir jaraa’id ku qabtay deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid fool-xun oo lagula kacay dad muslimiin ah oo lagu eedeeyay wax aysan shaqo ku lahayn, sababta keliya ee lagu haystana ay ahayd inay ahaayeen dad muslimiin ah, wuxuuna u diray tacsi ehellada dadkaas.

Sida ay sheegay Maxkamada Maamulka Puntland in dadkan ay ahaayeen kuwo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada Puntland, laguna helay dilka Dr. Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan iyo falal kale oo aan kuwaas ka duwanayn, iyagoo sheegay in dilka uu ahaa mid uu Maxkamada maamulka Puntland go’aan ku gaaray.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay ugu aargudayaan dadkaas, ayna beegsan doonaan dhammmaan kuwii bixiyay amarka lagu dilay, kuwii dilka fuliyay, kuwii xukunka riday, kuwii jaasuusay, kuwii marqaati-beenaadka ku furay, isagoo sheegay inay marsiin doonaan mid walba ciqaab adag.

Sheekh Cali Dhere wuxuu ugu dambeyntii, ku boorriyay dadka ku nool Puntland inay u istaagaan sidii ay dhulkooda uga saari lahaayeen wuxuu ugu yeeray gaalada iyo kuwa la safan, isagoo xusay in hadda ay diyaarinayaan gaadiidkii ay kusoo qabqaban lahaayeen iyo xabsiyadii lagu guri lahaa.

No comments: