Tuesday, April 16, 2013

Maleeshiyo Jabsaday Jeelka Caynaba, waxay Dhaawaceen Taliyihii Sirdoonka iyo Taliye ku-xigeenkii Xabsiga + Sarkaal u dhintay Dhaawacii


 
Caynaba - Maleeshiyo hubaysan ayaa manta weerartay xabsiga magaaladda Caynabo halkaas oo ay ku dhaawaceen Taliyaha Sirdoonka Gobolka iyo Taliye ku-xigeenkii Xabsiga iyo Hal Askari, iyagoo dhinaca kale Xabsiga kala baxay laba nin oo beeshooda ah.

Wararka ka imanaya falkan ayaa sheegay in ilaa hada xabsiga ka socda iska horimaadka  u dhaxeeyay Askarta Dawladda iyo Maleeshiyadii marka hore qabsatay kuwaas oo dib ugu soo noqday kadib markii ay aAskartu xabsigaasi ku xidhay dad loo aanaynayay inay ku taageereen weerarkii hore.

Sida uu ku soo waramayo wariyuhu waxa sadexda Askari ee dhaawaca ah loo soo wadaa dhinaca Burco si loogu daweeyo.

New Updates: 
Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka Saraar oo u dhintay weerar Maleeshiyo ku qabsatay Jeelka Caynaba

Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Axmed Caydiid ayaa ku geeriyooday weerar koox Maleeshiyo ahi ku qabsatay Jeelka Magaalo madaxda Gobolkaasi ee Caynaba.

Waxa uu Marxuumku ku geeriyooday tuuladda Beer mar dhaawaciisa loo soo waday dhinaca Burco, waxaana Maydkii Marxuumka iyo Taliye ku-xigeenkii Xabsigaasi oo dhawaac ah la keenay Cisbitaalka Burco.

Sidoo kale waxa dhaawaciisii la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Burco Akari ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Caynaba.

No comments: