Sunday, April 28, 2013

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku gacansaydhay dawladda Maraykanka oo ka codsatay in uu ka qayb galo shirka Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland H,E. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo

Washigton - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ku sugan magaaladda washigton ee Dalka Maraykanka ayaa kulan la yeeshay Saraakiisha Maraykanka waxa ay kaga wadahadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahayd arrinta shirka Ingiriiska, dhaqaalaha dawladda Maraykanku siiso Somaliland iyo arrimo dhinaca Ganacsiga la xidhiidha.

Kulankaasiw axa ay dawladda Maraykanku Madaxweyne Axmed Siilaanyo si toos ah ugu bandhigtay isla markaana cadaadis ugu saartay in uu ka qayb galo shirka 7 May ka dhici doona Dalka Ingiriiska ee ay wada Guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska.

Hase yeeshee dalabka dawladda Maraykan waxa la sheegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu si toos ah uga hor yimi isla markaana Dawladda Maraykanka u bandhigay in aanay Somaliland waxa fursad ahi ugu jirin shirkaas. Dhinaca kalena Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Maraykanka ku war-geliyay in Qaranimada Somaliland tahay mid shacbi oo aan ka noqosho lahayn.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dawladda Maraykanka u bandhigay dhaqaalaha aya siin jireen Somaliland in ay u soo mariyaan Sanduuqa Dhaqaalaha ee (Somaliland Somalialand Trusts Fund), kaasoo aya Dawladdo kaleaba bilaabeen in ay Somaliland u soo mariyaan dhaqaalaha ay siiyaan.

Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku qaadacay shirka Ingiriiska ayaa ah mid talo qaran ku yimi isla markaana Madaxweyne Axmed Siilaanyo hore uga diiday David Camoren in uu kala qayb galoa shirkaasi inta ajandihiisa aya wada maamulyaan Somaliya iyo Ingiriiska oo kali ah.

Shacbiga Reer Somalialand ayaa taageero balaadhan u muujinaya go’aanka Madaxweynaha waxaanay aaminsan yihiin shirkaas in aanay dani ugu jirin haddii ay kaua waayayaan wax kasta oo kaga xidhan Ingiriis iyo Maraykanba.

No comments: