Saturday, April 27, 2013

KA GANACSIGA JIDHKA HAWEENKA SOOMAALIYEED OO MEEL XUN MARAYA, 5 GABDHOOD OO IN YAR KU SIGTAY

Waxaa  Magaalada garoowe ka ambabaxay Gabdhihi 5ta ahaa ee laga soo afduubay Deegaano hoosyimaada Gobolka Sh/dhexe iyadoo ragii soo Xaday dhawaan la maxkamadeyn doono,Gabdhahan oo ay wehliyaan  2waalid  ayaa loo sameeyey sagootin dhameystiran waxaana iska kaashaday Amba bixinta Caruurtan Hay’ada IOM iyo Agaasimaha Waaxda Hormarinta Caruurta ee Wasaarada haweenka maamul goboleedka Puntland Marwo Aamino Maxamuud Nuur.


Sagootinta Caruurtan iyo qaar ka mid ah waalidkood waxaa ka qayb qaatay hawshanah gacanta ku hayay Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowlada Puntland Maxamed Xareed, Taliyaha guud ee CIDda Puntland C/fitaax Maxamuud Xaaji Cumar,Cumar Axmed Xirsi oo ah sarkaal ka tirsan Hay’ada IOM iyo Aamino Maxamuud Nuur oo ka tirsan Wasaarada haweenka, waxayna dhamaantoodba xuseen in Caruurtan Cafimaadkooda iyo noloshoodaba ay wacantahay oo aysan qabin wax dhibaato ah lagana badbaadiyay dadkii soo xaday oo hada Xabsiga ku xiran ,2dii bil ee Caruurtaasi gacanta lagu hayayna in aysan waayin dhamaan wax yaabaha daruuriga ah iyadoo aan loola dhaqmin dad guri ku xiran oo kale ugu dambeynah la amba baxshay oo barito Magaalada gaalkacyo oo ay galabta gaareen ay Diyaarad ka raaci doonaan oo ay Muqdisho ka dagi doonaan kadibna Gaari halkaasi laga saari doono lana geyn doono Hoygoodii meelaha ay sii marayaanah waxaa ku sugan wakiilo amnigooda iyo noloshooda sii ka faalo qaadaya sidaasina waxaa Raxan-reeb u sheegay Masuuliyiintii Gacanta ku hayay Caruurtaasi.

Qaar ka mid ah hooyooyinka Caruurtaasi oo Raxan-reeb la hadlayay waxay xuseen in mudadii ay ku sugnaayeen Garoowe ay heleen taageero badan iyo ka warqab wanaagsan aysana ahayn wax ay filayeen sida wanaagsan ee loola dhaqmay, Hooyooyinkan ayaa sheegay in sidoo kale ay ku faraxsanyihiin kuna qanacsan yihiin in ay dib ugu laabtaan deegaankoodii iyagoo nabad qaba waxayna soo dhaweeyeen in Diyaarad lagu geero Koonfurta Dalka Soomaliya oo ay sheegeen in ay noqon doonto Noloshooda markii ugu horeesay oo ay Diyaarad raacaan.
Maxamed Xareed faarax oo ah ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa Raxan-Reeb u sheegay in Caruurtan la doonayay in laga ganacsado lagana faa’iideysto balse taasi ay meesha ka baxday,wuxuu kaloo sheegay in Nimanka 2da ah ee caruurta lasoo fakaday Waajibkooda la marin doono sidoo kalena ay jirto Baaritaano laga wado Bosaso oo la xiriirta in ay joogaan dad Caruurta Sii kaxeeya oo gacan ku leh Kiiskan.

In ka badan 2bil ayeey Caruurtan ku sugnaayeen Magaalada Garoowe waxaana laga badbaadiyay in ka ganacsi lagu sameeyo Xoogooda waxaa kaloo lagu balamay in la badiyo Bariitaanada siiba goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha oo laga yaabo in falalkani oo kale ay ka dhacaan hadii ay ahaan lahayd Caruur la daabulo ama Haween la waxyeeleeyo sida ay sheegeen Masuuliyintii gacanta ku hayay Caruurtan.


No comments: