Wararka naga soo gaaraya magaalada boorama aya waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta laga dareemay Dhulgariir xooggiisu hooseeyo oomaanta ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Dhulgariirka ayaa shabakada xogmaal.net u xaqiijiyey qaar ka mid ah dadka degaanka isla markana cabsi geliyey dadka halkasi degan goob jooge lagu magacaabo xasan habarwaa ayaa sheegay in saacada ay markaasi waqtiga boorame 2:20 PM, waxaana laga dareemay magaalada iyo hareeraheeda.
Ma jiro wax war ah oo sheegaya khasaare naf ama mid hanti intaba.mana jirto ilaa hadda maamulka gobolka Awdal wax war ah oo kasoo yeeray. Dhulgariirro isdaba joog ah ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Boorama, hase yeeshee ma jirin wax khasaare ah oo uu gaarsiiyay, marka laga reebo guryaha muddada badan dhisan ee magalada oo uu dildillaac ku yimid xilligaasi.
No comments:
Post a Comment