Waxay hubaysay barre Hiiraale, Axmed Madoobana wuxuu samaystay dhufaysyo
Kismaayo - Waxaa sii xoogeysanaya xiisado colaadeed oo ka aloosmay magaalada
Kismaayo ee gobolka Jubada hoose tan iyo markii habeen ka hore uu
halkaas gaadhay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo dooni kaga
ambabaxay Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in kulamo dhexmaray Axmed Madoobe iyo Barre
Hiiraale kuna saabsanaa shirka ka socda Kismaayo la isku fahmi waayey,
waxaana kulamadaas barbar socday diyaar garow dagaal iyo dhaqdhaqaaq
ciidan oo ay wadaan labada dhinac.
Sida ay sheegayaan wararku magaalada Kismaayo xeebaha ku dhow ayaa
waxaa xalay gaadhay saddex doonyood oo Ciidamo iyo hub u siday Col Barre
Hiiraale kuwaasoo ilaalinaya guriga uu degay Barre Hiiraale iyadoo ay
ku biireen ciidamo kale oo ku sugnaa Kismaayo.
Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa dagaal adag oo
muddo dheer qaatay u soo galay la wareegida Kismaayo isagoo taageero
siyaasadeed iyo mid mileteri ka haystaa ciidanka Kenya oo ah awooda ugu
weyn ee maamusha Kismaayo kuwaasoo magaca AMISOM halkaas ku jooga.
Barre Hiiraale oo horay dhowr mar Kismaayo u soo maamulay ayaa waxaa
soo baxaya warar sheegaya inuu taageero siyaasadeed iyo milateri ka
heysto dowlada Somalia, si meesha looga saaro Axmed Madoobe iyo
kooxdiisa oo magac ahaan ogol dowlada, hase ahaatee siyaasad ahaan
diidan.
Ciidamo kala taabacsan labada dhinac ayaa fariisimo milateri ka kala
sameysanaya gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaan laga cabsi
qabaa inuu dagaal ka qarxo halkaas, iyadoo dadweynaha magaalada ay
wadnaha farta ku hayaan xiisadaha halkaas ka jira awgeed iyagoo
isweydiinaya sida ay waxyeeli lahaayeen haddiiba labada dhinac ee
magaalada ku loolamaya ay food is daraan.
No comments:
Post a Comment