Abwaanka wayn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa la gudoonsiiyay Abaalmarin caalami ah isaga oo sheegay in uu sii wadi doono howlihiisa suugaaneed ee Soomaalidu uu ku baraarujiyo.
Danjiraha Dalka Holand u fadhiya magaalada Nairobi Jos Rinj oo gudoonsiinaya Hadraawi Abaalmarinta, Wasiirka Waxbarashada Somaliland Zamzam Abdi Aden oo la joogta |
Abwaan
Maxamed Ibraahim Warsame Hatraawi oo Abaalmarintan lagu gudoonsiiyay
munaasabad lagu qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ah Abaalmarin ay
sanadkiiba mar bixiso boqorada dalka Holand.
Dan-jire
ka socda Dalka Holland u fadhiya dalka Kenya Jos Rinajs ayaa xalay
Hargeysa munaasibad loo qabtay ku guddoonsiiyay Abwaan Maxamed Ibraahim
Warsame Hadraawi Abaal Marin Caalami ah oo ay boqorada Dalkaasi sanad
walba guddoonsiiso shakhsiyaadka Caalamka wax ku soo kordhiya Suugaanta
iyo Horumarka.
Abwaan
Hadraawi oo ka hadlay Abaal marin taasi ayaa yiri “Boqorada Holland
ayaa abaal marin ii soo dirtay, ma garanayo sida ay ku soo heshay
warkayga laakiin Abaal marinta mar hore ayaa la igu wargeliyay, oo waxaa
ka mid ahayd lacag cadaan ah oo ($25,000) oo mar hore I soo gaartay.”
Waxa
uu sii raaciyay isagoo sharaxaya sababta uu ku mutaystay “Waxa aan
filayaa uun kolay Suugaantayda meel kasta way ka heleen oo waxa faafiyay
warbaahinta iyo dalkayga, waanan ku faraxsanahay in dadkayga dhexdiisa
la igu siiyo abaal marinta oo aan ku faanayo”.
Danjiraha
Dalka Holand u fadhiya magaalada Nairobi Jos Rinjs oo ka hadlay
Munaasabadaasi ayaa sheegay in Abwaan Hatraawi uu qabtay shaqo aad u
weyn, sidaasi darteedna munaasabadan loogu dabaaldegayo Abaalmarinta
Boqorada Holland ugu talagashay Abwaan Hatraawi.
“Waxaa
ii sharaf ah in dowlada Holand gaar ahaan Prins Clows abaalmarin ay
iigu deeqday aniga iyo umada aan ka dhashay an halkan ku gudoomo,
Abaalmarintani waa dhiirigelin I fareysa inaan dadaalkeeyga sii
kordhiyo, arintuna waxey salka ku heysaa in qofku macna yeesho’’ sidaasi
waxaa yiri Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hatraawi.
Abwaan
Hatraawi ayaa ah suugaanyahan Soomaaliyeed, kaasoo tiriyey gabayo
fabadan, islamarkaana wax badan ka qoray dhaqanka iyo sugaanta
Soomaalida.
No comments:
Post a Comment