Saturday, April 27, 2013

Abwaan Cabdillaahi Macallin Dhoodaan: Rukun Ka Baxay Hal-Abuurka Soomaaliyeed

Alle ha u naxariistii Hal-abuurkii weynaa ee Soomaaliyeed Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), ayaa shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Herer ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu xaalad caafimaad u yaallay.

Rabbi Naxariistii Janno haka waraabiyo ee Marxuum Cabdillaahi Macallin Dhoodaan ayaa ka mid ahaa Rukunnada Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Curiyey, Gabayo, Geeraarro, Heeso, Gabay-Jacbur iyo Maansooyin iyo qaybo kale oo Fanka Soomaalida ka mid ah.

Abwaan Cabdillaahi Macallin Dhoodaan Allaah ha u naxariisto
Allaah ha u naxariistee waxa uu Marxuumku shalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Herer, waxaana Axadda Berri lagu aasi doonaa haddii Illaahay yidhaado magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Killalka shanaad. Waxaana Aaskiisa Guddi qaban-qaabo u magacawday dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marxuum Abwaan Dhoodaan, ayaa ahaa Nin Gabaydiisa aad loo xiiseeyn jirey, gaar ahaan waqtiyadii 1978- waqtigaasi oo uu ahaa Raggii Suugaanta ku dhalliili jiray Xukunkii kelitaliska ahaa ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu Abwaan Dhoodaan ahaa Raggii Mucaaridka ku ahaa xukunkaas laga bilaabo 1978 , waxaanu ahaa Raggii mucaaridnimada u banbaxey.

Waxa uu Marxuumku Gabayo ka soo saari jiray Idaacaddii codka shacabka Soomaalida Itoobiya oo uu gacanta uu ku hayey Taliskii Itoobiya waqtigaa ka jiray ee uu hoggaaminayey Madaxweynihii dalkaas Mingiste Hailemarium. Taasoo ku taallay xarunta dalkaas ee Addis-ababa, meeshaasi oo gabayo badan oo uu ku weeraraayo Muxamed Siyaad Barre iyo Xukunkiisii uu ka soo jeedin jirey.

Sida laga soo xigtay wareysi lala yeeshey Alle ha u naxariistee Abwaan Dhoodaan waxa uu sheegay in uu dhashey(1941), waxaanu ku dhashey meesha la yidhaado Wardheer Miyigeeda. Waxaanu sheegey in uu Gabeyga bilaabey isgoo jiray(16) sanno oo kaliya , waxaa xasuus mudan in ” cabdullahi macalin dhoodaan” aan aabahii iyo hooyadii ama ehelkiisa aaney gabeyga hido u laheyn amse aaney gabyi jirin balse uu isga ilaahey xigmad u siiyey hal-abuurnimada.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ku hadlaya Afka shacabka iyo qaranka Somaliland, ayaa War qoraal ah oo uu xalay ka soo saaray geerida Marxuumka kaga hadlay doorka uu Marxuum Dhoodaan ku lahaa Fanka iyo Hal-abuurnimada Soomaaliyeed oo uu sheegay inuu ahaa Rukun ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bahda Suugaanta Soomaalida.

Wasiir Cukuse waxa uu qoraalkaa Tacsi ugu diray qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, shacabka Soomaalida Itoobiya iyo Bahda Fanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay oo uu Illaahay uga beryey inuu Samior iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), waxaanu Illaahay Marxuumka uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

Suugaanta Dhaxal-galka ah ee uu Marxuum Abwaan Cabdiilaahi Macalin Dhoodaan Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyee uu ummadda Soomaaliyeed uga tagay waxa ka mid ah Gabaygan oo la yidhaahdo Alla-tuug oo uu Marxuumnku tiriyey 1974-kii, kaasoo uu ummadda Soomaaliyeed Illaahay ugaga beryayo inuu khayrka ku soo dabbaalo, kana saaro cudurrada, qabyaaladda, qaadka iyo fasahaadka. Waana kan Gabaygaasi ee nala dhugta:

Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e
Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne
Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e
Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure
Baylood cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine
Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne
Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye
Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye
Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye
In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye
Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye
Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye
Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye
Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye
Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha
Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh
Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??
Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo
Oo aanay baahiyi haynoo lo’dii, bowdka miranayso
Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin
Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye
Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye
Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa
Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya
Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye
Barqankaa inaad bi’isid baan, kaa baryahayaaye
Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin
Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya??
Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay
Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye
Dhallin aan ibliis bi’inin baan, kaa baryahayaaye
Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo
Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin
Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba’aysaaye
Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa
Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye
Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay
Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba
In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye
Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye
Amiin

No comments: