Aniga oo ah DATA OFFICER kii barnaamijkan qiimee qofkaaga
si aad qiimo u yeelatid waxaan maalmihii u danbeeyay arkayay maqaalo laga soo
qoray barnaamijkii qaran ee qiimee qofkaaga arintaas oo ay dadweynuhu ku kala aragti
duwanayaayeen ayaan qalinka u qaatay in aan ka turxaan bixiyo in badan oo
dadweynaha ka mid ah oo si khaldan loo fahamsiiyay hadaba hadii aan waxrbixin
kooban ka idhaahdho barnaamijkan qiimee qofkaaga. Figrada waxaa is lahaa
muwaadin rashiid sulub caalin oo ah sakhsi aad iyo aad u jecel samofalka iyo
taakulaynta dadka jilicsan.
Fikrada isaga ayaa noolayimi isla markaasna noosoo
bandhigay aniga iyo intii kale ee nala shaqaynaysaba waanu la qaadanay in aanu
kala shaqayno weliba si tuburuc ah anagoo aaminsan in aay tahay hawl qaran
waxaanu ku faraxsanayn oo aanu ku niyad samayn dhamaantayoba in aanu u adeegno
qarankayaga oo aanu hawl baaxadaas leeg u qabano.
Barnaamijkani waa fikrad saliim ah isla markaasna ka
dhashay maskax caafimaad qabta.
Ujeedooyinkii barnaamijka
Ujeedooyinka barnaamijkani laga leeyahay waa arimo dhawr
ah isla markaasna xambaarsan xigmado aad iyo aad u qotodheer
1.
in la abaal mariyo la qadariyo oo la qiimeeyo
dadka dalka iyo dadkaba waxyaabo la
taaban karo u qabtay.
2.
in wax u qabashada dalka iyo dadka lagu
dhiirigeliyo jiilalka cusub ee soo kacaya. Si aay ugu baraarugsanaadaan
horuumarka wadanka.
3.
in bulshadeena la baro is qiimaynta iyo isu
mahadcelinta si aaynu unoqono bulsho ixtiraamta kooda mudan.
4.
in la dhiirigeliyo lana kobciyo fikradaha
munaasibka ah ee ka soo maaxanaya maskaxaha caafimaadka qaba.
5.
in la barto taariikh toganna laga reebo
shakhsiyaadka ku suntan horuumarka dadka iyo dalka
6.
in lagu daro manhajka wax barashada ee dalka
dadka mudan in lagu daydo si aay dhiiri gelin ugu noqoto dhalinyaradeena
*Sugnaanshaha iyo
cadaalad u samaynta*
Waxaan kaloo aan jecelahay in aan idiin soo gudbiyo bal
siyaabaha dadkani ku mutaysteen in aay gudoomaan bilada haldoor.
Run ahaantii dadkan dhamaantood waxaa u soo gartay isla
markaasna soo qiimeeyay dadweynaha reer Somaliland. Dadku waxaay codkooda soo
siiyeen qofwalbaa cidii uu islahaa wax qabad fiican buu dalka ku soo kordhiyay ama
heer horuumarineed buu gaadhsiiyay
iyadoo lagu qiimaynayo dhamaanba
baahiyaadka aas aasiga ah ee bulshada.
Bulshada ayaa ka markhaati kacaysa qaabkii aanu marnay
nidaamka qiimaynta shakhsiyaadka loo aqoonsadey haldoor.
Waxaanu bulshada u bandhignay in aay fikirkooda ka
dhiibtaan dadka aay is leeyihiin wax qabad muuqda oo la taaban karo ayay la
yimaadeen.
Qofkastaana waxa uu fikirkiisa ku dhiiibanayay siyaabahan
1: in goobaha dadku ku kulmaan ee faras magaalah ah aanu
dadka ugu qaybinay waraaqo u saamaxaya in aay si fuduud fikirkooda u cabiraan
2: ina aay dadku codkooda soo dhiibtaan iyagoo
adeegsanaya mobilkooda
3: in dadku ku codeeyaan email khadka internetka iyo in
aay ku soo codeeyaan websitka barnaamijka
taas oo u fuduudeysay in badan oo qurba jog ahi in aay soo dhiibtaan
codkooda
4: anaga oo tagnay gobolada dalka oo dhan si loo helo
cadaalad iyo sinaan loo dhanyahay.
Hadaba markii aay codbixintii ku soo dhamaatay sidaa aynu
kor ku soo xusnay waxaa bilaabanatay kala saaristii dadka.
Anaga oo doonaynay in aay soo baxaan boqolka qof ee ugu
codka sareeya qaybkasta waxaanu ka soo xulnay dhawrka qof ee ugu codka badan
anaga oon u ee gayn qabiil iyo qofjeclaysi toona iyo cid aanu dano gaar
ahaaneed ka leenahay taasna waxaa marag u ah oo qofkasta oo iiman lehna dawo u
noqonkarta dhamaan hawlwadeena shaqdan faraha ku hayay
way wada dhaarsanaayeen.
Waxaan filayaa in aay intaasi bogsiinkarto daawona u
noqonkarto in badan oo su aallo is weydiinaysay.
Hadaba waxaan bulshada reer Somaliland u cadeeynayaa in aanay jirin cid aanu ku
keenay is xanbaar cid aanu ku keenay qofjeclaysi cid aanu ku keenay dano gaar
ah oo aanu ka leenahay
Hadaba waxaan leeyahay cid kasta oo fikrad khaldan ka
aaminsan barnaamijkan qaran
Markaad walaalkaaga Muwaadinkaaga ah wax ka dhigto ayaad
adiguna wax ku noqonaysaa
Aduun magac baa ka hadha gobina way maaxataa
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment