Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka mid ahaa goob joogayaashii caalamiga
ahaa ee ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee dalka djabouti oo la mid ahaa
154-ka wadan oo aduunka ka mida oo goob joogayaal usoo dirtay doorashadaa
hadaba ururka solja
oo dalka Somaliland ka socday waxaa uga qayb galay xoghaya guud ee ururka
Mohamed-rashiid muhumed farah oo
horena uga qayb galay doorashooyinkii koonfurta sudan iyo ethiopia ayaa kasoo
diyaariyay war bixintan
Sharciyadda
doorashada
Sharciga
doorashooyinka Djibouti oo ay markii hore marka ay xisbiyadu tartamaan xisbiga
ugu codadka badan lihi kuraasida wadanka oo dhan qaadan jiray ayaa wax laga
bedelay sannadkii 2012. Oo laga dhigay sida caadiyan doorashooyinka caalamka in
tirada xisbi kastaa helo uu ku fadiishto kuraasta ay u gooyaan
Dhinaca
kale waa markii u horaysay ee baarlamaanka jabouti ay mucaaradku kuraasi ku
yeeshaan
Xisbiyadda
ku tartamayay doorashada
Doorashada
waxaa ku tartamayay sadex xisbi oo kala ah UMP.USN iyo CDU kuwaas oo ku
loolamayay (65-kursi) oo ah tirada baarlamaanka Jabuuti ka kooban yahay,
waxaana lagu soo dooranayay habka liiska xisbiyada ee cod bixiyayaashu u
codaynayaan xisbiga, xisbiguna liiskiisa ku kala saarayo sida ay ugu kala
horeeyaan musharaxiintiisu.
Qaab
dhismeedka guddida doorashada
Dawlada
Djabouti waxay qaadatay nidaamka dawlada faransiiska iyo ilaa toban dawladood
oo dunida ka mid ahi ku dhaqmaan oo natiijada hor dhaca aha waxaa kusii dhawaaqaya
wasiirka arimaha gudaha ee dalka nidaamkaa qaatay sidaa daraadeed ayaa dawlada
jabuuti 23/2/2013 5-tii subaxnimo uu natiijadii hordhaca ahayd ugu dhawaaqay
wasiirka arimaha gudaha ee dalka jabuuti Mr
Hassan Darar Houffaneh intaa ka dib waxaa natiijadii rasmiga ahayd ku
dhawaaqay gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dastuuriga ah ee djabouti mr Abdi Ismail Hersi
Awoodaha
guddida doorashada
Awoodaha
guddida doorashooyinku waxa weeye inay doorashada maamulaan, isla markaana sanaaduuqda
goobaha geeyaan, goobaha cayimaan, waqtiga cayimaan, ololaha doorashada la
socdaan. Waxa ay maamulayaan gebi ahaanba goobaha doorashooyinka haddii ay
noqoto amniga iyo maamulka kale ee agabyada xagga doorashada oo dhan
Diyaar
garawga doorashada.
Diyaar
garawga doorashooyinku waxay bilawdeen bishii koowaad ee 2013), waxaana jiray
hawlgalo iyo kulamo u dhaxeeyay guddida doorashooyinka iyo dhinacyada
doorashada gelaya, iyada oo laga wada arrinsanayay hadba sida ugu haboon ee ay
doorashadu u qabsoomi karto.
Ololaha
doorashada
Sida
sharcigu dhigayay ololaha doorashadu wuxuu bilawday (15) shan iyo toban
maalmood ka hor doorashada, waxaanu xidhmay 48 saacadood ka hor xilliga
doorashada.
Inkasta
oo laga yaabo inay cabashooyin jireen, haddana waxa loo isticmaalay qalabka
warbaahinta dawladda si isku mid ah, too tusaale ahaan xisbi walba waxa laga
siiyay 15 daqiiqo, isla markaana xisbiyadu dooranayaan mawaadiicda loo sii
daynayo. Mana jirin wax faaf reeb ah oo lagu samaynayay hadaladooda adadag ee
ololaha doorashada ay mucaaradku u adeegsanayeen.
Sidoo
kale fagaarayaasha waxa loo isticmaalay waxa loo isticmaalayay si siman, iyada
oo maalin walba xisbiga u lihi isticmaalayay, balse goob joogayaasha SOLJA
xilligani goob jog may ahayn
Waxa aanu
tagnay dalka Djibouti waqti uu dhamaaday ololihii doorashadu, isla markaana loo
diyaar garoobayo sidii goobaha codbixinta loo tegi lahaa. Hase yeeshee
isticmaalka warbaahinta doorashadani way ka duwanayd kuwii hore ee ka qabsoomi
jiray Djibouti, sababta oo ah si aad ah ayay sannadkan mucaaradku uga hadleen
warbaahinta dawladda.
Warbaahinta
madaxa banaan
Inkasta
oo ay Djibouti tahay dal aad u da’ weyn, haddana ma jiraan warbaahin madax
banaan oo ka jirta dalka Djibouti, balse waxa ka shaqeeya wargeys dawladdu
leedahay oo todobaadkii soo baxa dhawr jeer. Iyo Radio-ga iyo TV-ga oo ay
labadaba dawladu leedahay.
Inkasta
oo ay beryihii hore jiri jireen wargeysyo dhawr ah oo ay soo saaraan mucaaradku
oo ku soo baxa warqadda A4-ka ah, haddana sannadkan waxa Djibouti ka soo baxayay
tiro wargeyso ah oo ay mucaaradku leeyihiin oo ku soo baxa luuqadda afka
Faransiiska, ka/uwaasi oo ay mucaaradku soo saarayeen.
Inkasta
oo ay dadka reer Djibouti ku hadlaan luuqadaha Soomaaliga iyo Canfarta, haddana
ma jirin wax wargeysyo ah oo afka Soomaali amaba canfari ku soo baxayay oo ay
soo saarayeen mucaaradka iyo xukuumaduba.
Waqtiga
la geeyay agabka doorashada goobaha doorashooyinka
Agabka
doorashooyinka waxa la geeyay goobaha doorashada habeenkii beri oo kale la
codaynayay.
Xilliga
ay furantay
22,
February 2013-kii, waxa dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka qabsoontay doorashadii
Baarlamaanka, taas oo 6-dii subaxnimo, ay si rasmi ah dhamaan goobaha cod
bixinta ay doorashadu uga wada bilaabantay.
Sida xidhiidh
badan oo aanu samaynay ka dib noo cadaatay may jirin, hal goob cod bixineed oo
dib uga dhacday saacadii loogu talo galay in la furo oo ahayd, 6-dii subaxnimo,
sidoo kale ma jirto goob lixdii galabnimo ka dib laga codaynayay oo dib uga
dhacday wakhtigii in la xidho loogu talagay iyo sanduuqyo loo xidhay mudadaa
12-ka saacadood ee loogu talogalay in codayntu socoto u xidhmay rabshado ama
khilaaf xisbiyada tartamaya isku khilaafen ama bolis nabad-galyo daro awgeed
meel u xidhay manan maqal, cid sheegaysayna may jirin, waxaan iyaguna jirin qof
xaq u lahaa inuu codeeyo oo loo diiday ama la iska hor taagay.
Dadka ka
shaqaynayay goobaha doorashada
Goobaha
doorashada waxa ka shaqaynayay guddida doorashooyinka iyo wakiiladda xisbiyada mucaaradka
ah iyo kuwa xisbiga dawladda. Waxaana habsami u socodka doorashada maamulayay
guddida doorashooyinka, wakiilada ka socda dhinacyada tartamayaana waxay
ahaayeen kuwo goob jog ahaan ah.
Waxyaabihii
aanu ku aragnay goobaha doorashada
Habka
codbixintu u dhacaysay waxay ahayd si degenaansho iyo nidaam lahayd oo aanay
wax mugdi ahi ku jirin, tusaale ahaan, goob kasta oo doorasho waxay lahayd liis
ay ku yaalaan magacyada dadka ka codaynaya iyo tiradooda rasmiga ah, waxaanay
dadka ka codaynayaa, ku qornaayeen, waraaqo albaabka xaruntaa ku hor dhejisan
xiliga uu dhashay numberka aqoonsigiisa iyo magaciisa oo afran marka uu sidaa u
galo xarunta isagoo sita kaadhkii codaynta loogu diiwaan galiyay iyo kaadhkii
dhalashadiisa markaa ayaa loo baadhayaa buug diiwaana oo dadka goobtan ka
codaynayaa ku qoran yihiin magaciisa marka laga helo diiwaankaa halka magacaaga
hortiisaku began ayuu saxeexayaa intaa kadib qofku wuxuu qaadanayaa sadexda
warqadood ee ay ku kala qoran yihiin sadexda xisbi oo kala midab duwan (USN-cadaan
CDU –blue UMP-casaan)xisbi kastana ay ku qoran yihiin liiska 65 –ka musharax ee
u tartamaya doorashada magacyadoodii
Waxaanu
sanduuqa ku ridayaa warqada xisbiga uu u codaynayo isagoo labada kalena
qaadanaya si aan xisbiyada kale loogu ridin arintaas oo shakiga ka saaraysa
xisbiyada iyo qofkiiba inaan codkiisa la musuqi Karin oo aan xisbi kale loogu
dari Karin markaas ayaa khadka farta loo galinayaa
intaa
waxaa dheeraa oo lagu codaynayay waraaq magaceeda la yidhaa Ordonez ama
co-ordinates
Oo la siinayay
dadkii ka habsaamay inay qaataan kaadhkii diiwaan galinta doorashada ee lagu
codaynayay markay keenaan kaadhkoodii aqoonsiga dhalashada jabuuti
taas oo la ogolaa inay goobtiiba ka codayn karaan 18 qof oo ka mida dadkii
waraaqahaa qaatay
Waxaa
layaab nagu noqotay in aanu arki waynay kuyuu dheer oo dadku isku
cidhiidhyayaan waxaanad moodaysay in dadkaasi dukaan wax ka iibsanayaan taasina
waxaa fududaysay diiwaan galinta dadka codaynayay oo qof kastaaba xiliga uu
doono uu codkiisa ku dhiibanayay wakhti kayar hal daqiiqo
Qaabkii
tirinta codadka
Inkasta
oo ay goobaha doorashooyinku ahaayeen 449 goobood oo kala duwan, haddana habka
tirinta codadka toos ayaa looga sii daynayay TV-ga Qaranka iyo Radio Djibouti,
iyada oo goob goob loo soo gudbinayay. Waxaanay tirinta codadku socotay 7-dii
fiidnimo ilaa shantii subaxnimo
Xilliga
natiijada lagu dhawaaqay
Natiijadda
doorashada waxa lagu dhawaaqay, isla markaana waxa ku dhawaaqay wasiirka
arrimaha gudaha Djibouti,.Maxamed Xasan Dharaar ayaa Sida uu dhigayo sharciga
Djibouti waxa awoodda ku dahwaaqista Natiijadda iska leh Wasiirka Arrimaha
Gudaha waxaanu ku dhawaaqay subaxdii hore.
Natiijadda
doorashada lagu dhawaaqay waxa loo kala helay sidan. Iyada oo ay natiijadii
noqotay in mucaaradku ku guulaysteen 10 kursi, halka xisbiga dawladuna ku
guulaystay 55 kursi.
Waxyaabihii
ay kaga jawaabeen labada dhinac natiijadda
xisbiga
mucaaradka ugu wayn ee USN ayaa isagu ku dooday in natiijadii doorashada la is
waydaariyay magaalda jabuuti dhexdeeda oo ay kala heleen USN 47.34%
UMP 49.64% taasina wax cadaymo ah may soo bandhigin warbaahinta ,
Sidoo
kale xisbi xaakimku waxay ku dacwoonayeen in xisbi mucaaradku ku codeeyeen
waraaqaha cadcad ee la siinayay dadkii diiwaangalinta ka habsaamay oo foojari
ah ay soo daabacdeen maadaama oo maayarkii magaalada jabuuti iyo badhasaabkii
ka mid yihiin xisbi mucaaradka jabuuti taasi oo aanay wax cadaynaya warbaahinta
u soo ban dhigin
Laakiin
baadhitaan aanu samayanay aniga iyo suxufiyiin kale oo Somaliland ka tagtay
waxaanu kula kulanay meel fagaare ah oo toban qof oo reer jabuutiyi ku sugan
yihiin gabadh dadeedu sodon jir aanu ku qiyaasnay oo ku dhaaratay inay 3 jeer
ugu codaysay waraaqaha cadcad xisbi mucaaradka USN.
Mudaharaadada
doorashadii ka dambeeyay
Mudaharaadada
waxaa markii u horaysay ay shaaciyeen xisbi mucaaradka USN 23/feb/2013 gaar
ahaan sheekha caanka ah Sheekh C/Raxmaan Bashiir oo ku baaqay in maalinta
isniinta ee taariikhdu tahay 25/feb/2013 3-da galabnimo ay isugu yimaadaan
dadku xisbiga USN xafiiskooda jabuuti halkaas oo ay ayaamo fadhiyi doonaan
sidii miidaamu taxriirkii masar oo kale iyagoo intaa raaciyay inuu qof walbaaba
soo qaato rubuc timira.
Laakiin
arintaasi may dhicin oo waxaa hor istaagay dawlada jabuuti oo u diiday dadkaasi
xaqii ay u lahaayeen inay waxay diidan yihiin mudaharaad salmi ah ku
muujiyaan.arintaas oo kasoo horjeeda xuquuqda xoriyatul qawlka anagoo booqanay
goobtaa saacadii lagu balamay oo ahayd sadexdii galabnimo waxaanu ugu tagnay
askar bilays iyo milatari ah oo wata gaadiidka gaashaaman ee ciidamada laakiin
cabaara shantii galabnimo ee maalintaa ayay meeshii isugu yimaadeen waxoogaa
dad ah iyo sadexda sheikh ee jabuuti ku jira xisbiyada mucaaradka waxaana ka
dhashay buuq lagu jajabiyaay gaadiidkii dadwaynaha oo aanu ka aragnay gaadhi tagsiile
ah oo oday lug caaga xidhan oo dhamaan muraayadihii oo dhan laga jajabiyay isla
maalintaa waxaa muraayada hore laga jabiyay tagsiile nin carabi wato oo aan
anigu raacay waxaa kale oo dadku sheegayeen in meherado ku yaala xaafada
balbala la boobay inkastoo aanann indhahayaga ku arag waxaana isla
maalintaa xabsiga loo taxaabay dadwayne tiradoodu boqol qof ku dhawaad tahay
iyo sadexdii sheikh.
Khasaaraha
sadexdii cisho ee aanu joognay ee mudaharaadii u horeey ay socdeen 25-28
febraury 2013 waxaanu ku arag nay wiil yar oo dhabarkiisa ay googoysay
rasaartii rashka ahayd una yeeshay nabaro jiidhkiisa ah sidoo kale waxaa la
sheegayay anagu maanu la arage mid ka mida musheekhda in nabar soo gaadhay
markii la xidhayay. waxaana la odhan karaa khasaaraha mudaharaadkaa ka dhashay
natiijadii doorashadii jabuuti ee baarlamaanku aad ayay u yartahay marka la
barbar dhigo doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday 28 november
2012-kii oo dhimasho iyo dhaawac badan-ba keentay sidoo kale maalintii 12 september
2009 –kii markii aqalka baarlamaanka Somaliland albaabada u xidheen booliska
Somaliland oo kaliya ayaa mudaharaad ay u sameeyeen dadwaynaha reer
hargaysa ay ku dhinteen laba dhalinyar ah
Si
kastaba ha ahaatee waxaa isaguna hambalyo mudan tv-ga qaranka dalka jabuuti ee
RTD oo si xora usii daynayay ayaamihii ololaha doorashada hadalada xisbiga
mucaardka ee USN oo ay ku jiraan dhaliisha madaxweynaha dalka jabuuti
Sida aanu
u aragnay doorashada iyo waxyaabaha aanu daliishanayno.
Marka la
isku soo wada duubo waxay doorashadaasi ku dhamaatay si hufan oo aan mad madow
badani ku jirin, taas oo aan ku tilmaami karo inay u dhacday si xor iyo xalaal
ah oo waliba nabad galyo
Waxaanay
80% ka wanaagsanayd oo ka musuq yarayd doorashadii Golayaasha Degaanka ee
Somaliland ka dhacday, taas oo sidii doorashooyinkeena lagu yaqaanay aad uga
duwanayd, bar madowna ku noqatay dimuqraadiyadii Somaliland lagu amaani jiray.
Taasi oo
ay cadayn kuugu filantay goobta dawlada hoose ee caasimadda jabuuti oo uu yaalay
sanduuq laga codaynayay waxaa ka codeeyay masuuliyiinta dawlada jabuuti oo ay
ugu sareeyaan madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo
qoyskiisa raysal wasaaraha Dilayta Maxamed Dilayta gudoomiyaha baarlamaanka
jabuuti Idiris Arnaa”uud Cali iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa wasiirka
shaqada Jabuuti.
Inaanu ku
aragnay rubuc saaco ka dib xubno fir fircoon oo ka mid ah mucaaridka oo ka
codaynaya goobtaa iyo waliba natiijadii sanduuqaa inuu xisbiga mucaaradka ugu wayn
ee USN uu ka helay 131 cod
waxaa
kale oo xusid mudan in xaafad jabuuti ka mida oo aanu booqanay aanu
dimuqraadiyadu heerkay ka maraysay ku aragnay nin iyo xaaskiisii oo kala
taageersan xisbi xaakimka iyo xisbi mucaaridka USN iyo UMP
Waxyaabaha
loo baahan yahay in lagu daro
Caadi
ahaan dadweynaha reer Djibouti oo dhami waxay leeyihiin waraaqo aqoonsi ah,
isla markaana ma jirto cid aan waraaqo lahayn. Sidaasi darted waxa loo baahan
yahay in meesha laga saaro warqada cad ee lagu codaynayo oo keeni karta musuq
iyo laba jeer codayn. Sidaasi darteed waxa loo baahan yahay in la sameeyo
diyaar garaw badan doorashada ka hor, isla markaana qof walba la siiyo kaadhka
codbixinta.
Cida aan
markaasi iyadu fursad u helina in aan la ogolaan si looga hortago wax iska
horimaad keeni kara oo lagu murmo.
Waxa kale
oo loo baahan yahay in warqad keli ah lagu wada qoro dhammaan xisbiyadda, isla
markaana xubnaha musharaxiinta ee la kala dooranayo toos loo soo xusho oo ay
dadweynuhu soo xushaan sidii kuwii Somaliland. Si looga hortago in xisbi
waraaqihiisa banaanka laga helo amaba agabka doorashooyinku ay banaanka u baxa
xilliga doorashada.
Arrintani
oo aanu ula jeedno in gebi ahaanba musharaxiinta xisbiyadu warqad keli ah ku
wada qornaadaan, isla markaana qof waliba calaamadinayo musharaxa uu doonayo
inuu u codeeyo, arrintaasi oo wax weyn ka tari karta, isla markaana, haddiiba
oo ay cidi muran keento lagaga hortegi karo, sababta oo ah waxa Djibouti la sii
ogyahay tirada codbixiyayaasha ee codaynaysa, sidaasi darted haddii goob muran
ka yimaad dib ayaa loo tirin karaa, cidina kuma doodi karto waraaqahaygii baa
la daadiyay.
Waxa kale
oo loo baahan yahay in awoodda guddida doorashada lagu daro ku dhawaaqida,
sababta oo ah wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ka mid yahay dhinacyada tartamaya,
markaa waxa ay dhaawac ku noqonaysaa in wasiirkii xukuumaddii lala tartamayay
ku dhawaaqo natiijadii hannaanka quruxda badan ee loo soo agaasimay doorashada.
Sidoo
kale, mucaaradku ka hor inta aanay mudaharaado ku dhawaaqin waxa lagama maarmaan
ah inay maraan wadooyinka sharcigu jideeyay ee ay maxkamadu ku jirto.
Inkasta
oo aanaan aad u ogayn awoodda maxkamadda dastuuriga ah, haddana waxa loo baahan
yahay in awood badan la siiyo maxkamadda dastuuriga ah, oo tusaale ahaan haddii
madaxweynuhu soo magacaabo sharciyan, baarlamaankuna ansixiyo. In erigiisana
laga ansixiyo baarlamaanka, taasi oo fursad siinaysa uu go’aan cadaalad ku
dhisan gaadho. Mucaaradkana ka dhigaysa mid aamini karaan.
Sidoo
kale, marka la eego habka wanaagsan ee ay u diiwaan gashan yihiin
codbixiyayaashu, Djibouti waxay noqon kartaa wadanka ugu dimuqraadisan wadamada
gobolka oo dhan. Tusaale ahaan haddii ay samayso in xisbiyada dhexdooda ay
musharaxiinta tartamaysaa ku soo dhex tartamaan oo ka hor inta aan
doorashooyinka la gaadhin xisbiyadu degmooyinka iyo gobolada shirweynayaal ku
qabtaan, dhalinyarada iyo dadka ka qaybgalaya doorashadana la tartansiiyo, isla
markaana xisbi waliba soo xusho xubnaha ugu taageerayaasha badan marka ay u
codeeyaan dadweynaha taageerayaasha xisbiga u ahi.
Waxa kale
oo loo baahan yahay inay xukuumadda Djibouti dhiirigeliso in warbaahin maxali
ah oo afafka maxaliga ah ku soo baxaa oo madax banaani jiraan, kuwaasi oo qayb
ka qaadan kara habsami u socodka hawlaha doorashooyinka iyo weliba dhiibashada
ra’yiga xorta ah ee ka madaxa banaan dhinacyada siyaasadda ku hirdamaya.
Laakiin
taasi lafteeda xukuumadda Djibouti waxay liisamo siisay TV-yada SOomaalida ee
ka hawlgala gobolka Geeska Afrika, kuwaasi oo iyaguna ka waramayay dhacdooyinka
iyo hawlaha doorashooyinka, inkasta oo ay si taxadar leh u waramayeen.
Marka
intaasi laga yimaado way qurux badnaan lahayd in ururada bulshada oo ay
warbaahinta madaxa banaan ee Djibouti-na ku jirtaa ay qayb ka noqdaan goob
joogayaasha doorashada gebi ahaanteed iyo gaar ahaanba marka la tirinayo. Si ay
uga marag furan hadba wixii dhaca.
Gebagabada.
Marka
doorashada Djibouti loo eego doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland dhinacyo
badan ayay kaga wanaagsan tahay. Waxaana ka mid ah dhinacyada ay kaga wanaagsan
tahay diiwaangashanaaanta muwaadiniinta iyo weliba agaasinka agabka
doorashooyinka.
Laakiin
dhinaca kale waxaad moodaa inay labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti midba
ka kale wax badan ka faa’iidaysan karo. Oo ay Somaliland ka faa’iidaysan karto habka
diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo muwaadiniinta, halka ay Djibouti-na ka
faa’iidan karto habka liiska musharaxiinta loo taxo ee ay warqad keli ah ugu
wada qoran yihiin.
Fiiro
gaar ah. Warbixintani maaha aragtida SOLJA, balse waxay ku koobantahay ra’yiga
diyaariyayaasha.
Warbixintani
waxa diyaariyay, Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, Xoghayaha Guud ee URURKa SOLJA
iyo Faysal Maxamed Xasan oo xubin ka ah ururka SOLJA, isla markaana ka mid ahaa
goob joogayaashii ka qayb galay doorashada baarlamaanka Djibouti.
ALLAA
MAHAD LEH
Warbixinta
Ururka SOLJA ee doorashada Djibouti ee Baarlamaanka
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment