Wednesday, March 6, 2013

WARAR XASUUS MUDAN: GACAN KU DHIIGLE MORGAN Cunaqabatayn lagu soo rogay General Morgan


General Maxamed Siciid Xirsi Morgan
Xasan Barise,

War saxaafadeed habeennimadii Talaadada ee 27-ka July ka soo baxay Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ayey ku sheegeen in ay cunaqabatayn gaar ah ku soo rogeen General Maxamed Siciid Xirsi Morgan.

War saxaafadeedkan oo uu ku saxiixan yahay ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan shirka Soomaalida isla markaana ah guddoomiyaha guddiga fududeynta shirka Soomaalida, Danjire Bethuel Kiplagat, ayaa lagu sheegay in ay heleen warar lagu kalsoon yahay oo laakiin aanan fiicnayn oo ka warramaya ficillo uu ku guda-jiro General Maxamed Siciid Xirsi Morgan, kaasoo sida ay yiraahdeen si ku adkaysasho leh naftiisa uga baajiyey ka soo qeybgalka shirka Soomaalida ee Nairobi.
Ficil noocee ah?

War saxaafadeedkan laguma sheegin nooca ficillada ee uu General Morgan ku guda jiro, hase yeeshee qaar ka mid ah danjireyaasha dowladaha IGAD oo iyagana ii xajiiyey in ay wada ogyihiin warkan ayaa ii sheegay in go'aankani uu ka dambeeyey shir ay yeesheen dhammaantood oo ay ku falanqeeyeen amuurta General Morgan.

Safiirradan oo aanan doonaynin in la sheego magacdooda waxay sheegeen in ay marar badan la xiriireen General Morgan in uu shirka ku soo biiro hase ahaatee uu ka maagay.

Billowga cunaqabataynta

Cunaqabatayntan ayaa war saxaafadeedkaasi lagu sheegay in lagu billaabayo in ay waddamada ku jira urur goboleedka IGAD u diidaan in uu General Morgan soo galo mid ka mid ah waddamadooda.

Safiirrada IGAD waxay kaloo sheegeen in ay tuhmayaan in sida ay wararka ku heleen uu General Morgan abaabulayo dagaallo gudaha dalka Soomaaliya ah, taasoo ku qaadday danjireyaasha IGAD, kaddib markii ay ka shireen amuurtaasi, in ay soo saaraan war ay hoggaamiye Soomaaliyeed ka soo saaraan kii ugu xoogga badnaa ilaa intii uu billowday shirka Soomaalida hadda uga socda Kenya oo ku dhow muddo labo sano ah.

Taariikhdii hore

Waxaa hore loo ogaa in uu General Morgan dhowr jeer dagaallo badan ku galay gacan ku haynta magaalada Kismaayo, iyadoo ilaa intii uu shirka Soomaalida ka billowday Kenyana ay dhowr jeer soo baxeen warar sheegaya in uu General Morgan dagaal u abaabulayo magaalada Kismaayo, hase ahaatee aanay rumoobin wararkaasi.

Iyadoo la raacayo qaraarrada IGAD, midkii ka soo baxay Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed loogu yeeray in ay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo ka dhan ah danaha dib u heshiinta Soomaaliyeed, nabadgelyada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Cambaareyn

War saxaafadeedkaasi waxa uu intaasi ku daray in inkastoo ay digniino badan bixisay IGAD oo ah in uu dib ugu soo noqdo shirka Soomaalida, inuu haddana General Morgan u muuqdo mid aanan u hoggaansamin baaqyadaasi, sidaasi darteedna ay sida ugu xoogga badan ee suurtogalka ah u cambaareynayaan ka maqnaanshiyaha shirka ee Morgan iyo sida ay hadalka u dhigeen ficillada uu ku guda-jiro ee gudaha dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee ay waddamada IGAD amaba beesha caalamku cunaqabatayn ku soo rogto mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxayna tani tusaale u noqon kartaa sida ay waddamada IGAD hadda uga go'an tahay in la hirgeliyo shirka Soomaalida, iyadoo dhinaca kalena ay sidoo kale cunaqabatayntan digniin u noqon karto hoggaamiyihii kasta ee mustaqbalka isku daya in uu isaga baxo shirka Soomaalida.

General Morgan oo ah hoggaamiyihii ugu horreeyey ee cunaqabatayn gobolka ah lagu soo rogo ayaanan ilaa iyo hadda cidi si rasmi ah u sheegin halka uu ku sugan yahay, waxayse wararku sheegayaan in uu joogo gudaha dalka Soomaaliya iyadoo aananna meel gaar ah farta lagu fiiqin. Sidoo kalena, General Morgan waa hoggaamiyaha keliya ee ilaa hadda ka maqan shirka Soomaalida marka gaar ahaan la xisaabiyo hoggaamiyeyaashii rasmiga ah ee ka qeybgalayey shirka Soomaalida.                        

No comments: