This is where you can follow the important socio-economic, geopolitical and security developments, going inside the Republic of Somaliland and Horn of Africa region
Search This Blog
Saturday, March 2, 2013
WAR DEGDEG AH OO DHIILO LEH: Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud oo Xukuumada Maraykanka ka Codsaday in ay Joojiso Dacwada Dambiyada Aadaminimo ee ku socota General Maxamed Cali Samantar
Sida ay maanta uu baahiyay Wargayska WashingtoPost Raiisal Wasaaraha Somalia Abdi Farah Shirdon taasi oo uu u diray Wasaarada Arimaha Dibada Dalka Maraykanka, kuna waydiisanayo DAMBI KA DHAWRSANAAN in la siiyo ra'iisal wasaarihii hore ee Somalia isla markaasina ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee xukuumadii kali taliyihii Siyaad Barre, kaasi oo dacwad la xidhiidha masuuliyadii hogaamineed ee uu ku lahaa dambiyo lid ku ah aadaminimada oo ay ka mid ahaayeen jidhdil qudhgooyo iyo gumaad uu u gaystay shacabka ku dhaqnaa Somaliland sanadihii sideetamaadkii (1980s)
Sanadkii tagay ayaa Garsoore ka tirsan Federaalka Gobolka Virginia ku xukuntay General Maxamed Cali Samantar magdhow gaadhaya $21 million taasi oo ah doorkii hogaamineed ee uu ku lahaa olole baahsan oo jidhdil iyo qudhgoyn gumaad ah oo uu la bartilmaameedsaday shacabka reer Somaliland sanadihii sideetamaadkii. Magadhowgan ayay maxkamadu u xukuntay 7 dhibane oo u dhashay dalka Somaliland.
Xiligaasi Xukunku dhacay, Xukuumada Maraykanku way u diiday General Maxamed Cali Samantar Dambi ka dhawrsanaantii uu codsaday sababtoo ah maadaama aanay Somalia lahayn dawlad shaqaynaysa oo u dalbata General Samantar Dambi-ka-dhawrsanaanta. Bishii January, ee sanadkan ayaa Xukuumada Maraykanku si rasmi ah u aqoonsantay dalkii hore la isugu odhan jiray Somalia
Qareenka Dambiilaha Dagaal (General Samantar) ayaa warbaahinta u sheegay in uu rajaynayo in Xukuumada Maraykanku aqbali doonto codsiga uga yimi dawlada Somalia kadibna sidaasi lagu tirtiri doono dacwada dhagaraha dagaal ee ku socota General Maxamed Cali Samantar.
Saacado yar uun kadib markii Xukuumada Obama sheegtay in ay aqoonsi u fidisay dalka Somalia. Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland Mr. Suleiman Ismail Bolaleh ayaa warbaahinta u sheegay in Cida ugu horaysa ee uu rajaynayo in ay ka faaiidaysan doonto Aqoonsiga Maraykanku u fidiyay Soomaaliya ay yihiin Dambiilayaasha iyo Dhagar Qabayaasha ay ka mid yihiin General Maxamed Cali Samantar, Colenel Magan iyo Colenel Tuke oo dhamaantood dacwado la xidhiidha dambiyo dagaal, gumaad iyo dilal qorshaysan oo baahsan ay u gaysteen shacabka Somaliland.
Mr. Bolaleh ayaa ku macneeyay qaabka ay dhagarqabyaaashu uga faa'iidaysan doonaan aqoonsiga Maraykanka ee Somalia "Sidii ay sameeyeen xukuumadihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Cabdilaahi Yuusuf iyo Sheikh Shariif waxa ay u diri doonaan wasaarada arimaha dibada Maraykanka ay kaga dalbanayaan in dambiyada laga dhaafo oo gabi ahaana la laalo eedaha dambiyada aadaminimo iyo damiyada dagaal ee loo haysto General Maxamed Cali Samantar, Xukuumada Federaalka Somalia ee uu hogaamiyo Xasan Sheikh iyo Raiisal wasaare Shirdoona waxba kama duwan xukuumadihii ka horeeyay ee ku meel gaadhka ahaa, waayo aragnimada aan u leehay siyaasiyiinta Somalia dhawaan waxaynu arki doonaa qoraalo xukuumada Somalia u dirayso dhigooda Maraykanka oo dambi ka dhaafid (immunity) Gacan ku dhiiglaha Cali Samantar ay ugu hiilanayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Haddiiba Xukuumada Washington ay aqbasho codsiga hogaamiyayaasha Muqdisho oo aan wakiil sharci ah ka ahayn shacabka dalka Somaliland taasi waxay caalamka u iftiimin doontaa in dalka Maraykanku aanu rabin xasilooni iyo nabadgalyo ay hesho mandaqada Geeska Afrika.
Dhinaca kale arintan ayaa noqonaysa fariin Madaxwaynaha Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadiisu u dirayso shacabka Somaliland taasi oo ay ugu sheegayaan in ay si buuxda ugu taageersan yihiin cawaaqibkii ka dhashay awaamiirtii uu General Maxamed Cali Samantar bixinayay iyo xasuuqii baahsanaa ee ciidamadii uu hogaaminayay Cali Samantar u gaysteen Shacabka Somaliland kuwaasi oo burburiyay dhulkana la simay magaalooyin boqolaal sano la soo dhisayay.
Waxana ay tani u quusgoynaysaa cidkasta oo wax rajo ah ka qabtay in xal ay ku gaadhi doonaan wada hadalo la rajaynayay in ay dhawaan yeeshaan Somalia iyo
Somaliland.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment