Wararka iminka inaga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee
magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay kaasi oo
geystay dhimashada dad lagu qiyaasay in ay 20 kor usii dhaafayaan iyo dhaawac
intaa ka sii badan.
Qaraxaan Khasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay ka soo
horjeeda Ex Fiyoore waxaana qaraxaasi uu ahaa gawaari laga soo buuxiyay
waxyaabaha qarxa uu saarnaa nin naftii haliga ah waxaana qaraxaasi dadkii ku
geeriyooday ay ahaayeen arday iyo shacab badan.
Waxaa daadsan goobta uu qaraxu ka dhacay Meydad badan iyo dhaawacyo
waxaa sidoo kale ku bur buray gawaari aad u fara badan iyadoona iminka
goobta buux dhaafiyeen ciidamo katirsan Dowlada iyo AMISOM iyadoona
dadka gurmad loo fidinayo.
Dadkii saarnaa gaariga BL-ka ah ayaa la sheegay in
intoodii badneyd ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac waxaana mudo ku dhow
saacad ay ku dhex jireen gaarigaan oo si xun u holcaya iyadoona markii damabe
ay soo gaareen gawarida dab damiska oo sidaasi loo baqtiyay.
Gawaarida Ambulaasta ee xaalada deg dega ayaa wali ku
howlan daabulida dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee ka dhacay degmada
Xamarweyne ee magaalada Muqdisho iyadoona dadkii ku geeriyooday qaraxaasi lagu
qiyaasay 20 ruux halka dhaawacana uu intaa ka sii badan yahay.
Hadaba wixii war ah ee ku soo kordhaa qaraxaasi dib baanu idiinka soo gudbin doonaa.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment