Monday, February 25, 2013

Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Saylac iyo Lughaya ee Beesha Ciise oo is wada casilay

Warar Hordhac ah oo Waaheen ka soo gaadhaya Degmadda Saylac ayaa sheegaya toban Xildhibaan oo Golaha Deegaanka Saylac iyo Lughaya uga soo baxay beesha Ciise doorashadii muranka badan dhalisay inay is wada casileen.

Is casilaada Xildhibaanadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay dhawaan qaar ka mid ah Xildhibaanadaasi shir wada tashi ah magaaladda Diridhaba kula soo yeesheen Ugaaska Beeshaasi oo fadhigiisu yahay Itoobiya.

Talaabadan ay qaadeen Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Saylac iyo Lughaya oo Toddoba ka mid ahi ay ka soo baxeen Saylac, sadexda kalena ay ka soo baxeen Lughaya ayaa noqonaysa mid saamaynteeda leh iyada oo ay Beesha Ciise cabashooyin badan hore uga muujin jirtay inaanay Wakiilo ku lahayn Golayaasha Sharci dajinta gaar ahaana Golaha Wakiiladda oo ay beeshu doorashadii ka hadhay.

Ma cada talaabada xigta ee ay qaadi dooonaan Beesha Ciise hase yeeshee sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloolaa sheegeen waxa la filayaa in ay Xilka ka tagi doonaan Xildhibaanada Golaha Guurtida kaga jira iyo Hal ka Xildhibaan ee kaga jira Golaha Wakiiladda.

Xukuumadda Somaliland ayaa xal u weyday xalinta khilaafka ka taagan Doorashadii Golaha Deegaanka Saylac, waxaanay taasi sababtay in ay go’aan qaadato Beesha Ciise

Short URL: http://waaheen.com/?p=60325

No comments: