Friday, February 22, 2013

Xasan Cumar Hoori Cadho ka kacday Qiimayntii iska dhexwaa ayuu Qalinka u qaatay?

  Nin kale isna wuxuu u iman waayay maadaama oo Madaxwaynihii Jamhuuriyadu bixinayo Abaalmarinta oo uu yahay kii Xilka iga qaaday maxaan ka dooni ayaa laga hayaa.

Abaal marinta qorista maqaalada haweenku xiiseeyaan ayaan siinayaa Xasan Cumar Hoori madal il yartu is qabatay oo waliba haween u badan ayaanan ku siinayaa waxanan ku kalsoonahay in uu iga aqbali doono maadaama oo akhristayaashii barnaamijkaagii caanka noqday ee xaawo iyo aadan ay wali joogaan adiguna aad tahay ninkii qori jiray.
Qalinkii Sulieman Ismail Bolaleh  

Waligay intaan noolaa, aragti qof warbaahinta ku soo qoray qalinka uma qaadan, maantana waxa igu kalifay wuxuu maanku diiday oo aan ka dhex arkay sadarada (laymanka) qoraal uu saxaafada shalay ku qoray Xasan Cumar Hoori oo ah aqoon yahan iyo masuul anigu aan ixtiraam farobadan u hayo.

Barnaamujka Qiimee Qofkaaga ee sida dadwaynuhu ka dharagsan yahay dalka ka socday mudada sideeda bilood ah, ayuu ku durayay Xasan Cumar Hoori maqaalkiisa , kaasi oo uu ku sheegay Somaliland Qaran Qof Qiimeeyay! oo uu waliba mudo bil ah Rashiid Sulub ku qiimeeyay.

Marka 2 loo geeyo 2 sidaan u hubo in ay 4 tahay ayaan u hubaa qoraalka Xasan Cumar Hoori in uu yahay mid ka dhashay cadhadii uu ka cadhooday markuu iska dhex waayay liiska 100 ruux ee barnaamujka Qiimee Qofkaagu u aqoonsaday in ay yihiin Haldoorka Somaliland.

been bay noqon lahayd garashadayda i tidhi faalada Xasan Cumar Hoori waa Cadho ka dhalatay iska dhex waaga 100 ruux haddii uu Xasan faaladiisan qori lahaa ka hor intii aan natiijada abaalmarinta barnaamijka qiimee qofkaagu soo bixin.

Sidaan hubo horta mid iguma diidi karo Xasan dhamaan Xayaysiisyada ka socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka in dhamaantood laga rabo in dhaqaale lagu helo (profit making) balse Barnaamujka Qiimee Qofkaaga mudo sideed bilood ah ayuu hadh iyo habeen ka socday dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta idaacadaha, muqaal, jaraa’idka iyo mareegaha internetka, waxa intaasi sii dheerayd kolba halka uu marayo si joogto ah ayay Rashiid iyo kooxdii hawsha la waday inoogu sheegayaan xataa markii shuruudaha iyo qaabka qiimayntu u soo bixi doonto ay samaynayeen, cid kasta oo talo iyo tusaale ku biirinaysa waxay inoo sheegayeen in ay u baahan yihiin soona dhawaynayaan.

Xasan Cumar Hoori wuxuu is barbar dhigayaa Barnaamujka Qiimee Qofkaaga iyo Hay’adda Noble loo yaqaan & Abaalmarinta Boqor Faysal, Nabadda Africa (APA) ee hay’dda ACCORD, The World Peace Prize Award, Maraykan iyo Oscar ama (Academy Awards, hadduu kolba dhagax rogayo si uu wax u saxo muxuu Xasan Cumar Hoori talooyinkan uu hadda hayo ugu gudbin waayay hawl-wadeenadii Barnaamuka Qiimee Qofkaaga soo waday hawshiisa mudada sideeda bilood ah, Waxan imiki Xasan Cumar Hoori hurdada ka soo kiciyay waa maxay? Sow ma ah cadho ka kacday Iska dhex waa Liiska boqolkii qof.

Arinta kale ee uu hilmaansan yahay Xasan Cumar Hoori ayaa ah, dunida oo dhan Abaal marinada heer dal heer qaaradeed, heer caalami iyo xataa heerar kale oo badan sid heer jaamacadeed heer dugsi heer degmo iwm qaabab kala duwan ayaa loo isticmaalaa qiimayntooda, tusaale ahaan sida kuwa uu ka sheekeeyay Xasan Cumar Hoori waxa la sameeyaa gudi (jury) takhasus u leh mawduuca abaalmarinta lana bidayo in ay dhex u noqon karaan dadka badan ee la kala xulayo. Dhinaca kale waxa jira qiimayn lagu saleeyo kalsoonida dadwaynaha oo cod loo waydiiyo kadibna la waafajiyo shuruudo codbixinta loo loo tirinayo, markaa qiimaynta barnaamujka Qiimee Qofkaagu waxay ahayd nooca kalsoonida dadwaynaha la soo ururinayo ee horta mid ruux kali ahi sida aad adigu ku ribaynayso uu soo xushay ma aha.

Sidoo kale 100 ruux ee Abaalmarimaha helay mid musharax u ahaa barnaamujku majiraan dhamaantood waxay ku ogaadeen in loo codeeyay  oo ay ka mid noqdeen 100 kii qof 2 wiig ka hor munaasibada xaflada lagu gudoonsiinayo xataa waxa ku jiray qaar aan filanaynin in cidiba u codayso sida aniga oo kale, laakiin waxan codayntu dadwaynuhu i xusuusisay in dadkayga wax wanaagsan oon u qabtay ay ii ogyihiin oon u tirsanahay.

Ugu dambayntii waxa uu faaladiisii uu qoray Xasan Cumar Hoori markuu iska dhex waayay liiska boqolka qof waxa uu ku tawaawacay Beesha dhexe ayaa badsatay biladihii, kolayba anigu ma tirinin balse waxan xasuusin lahaa Xasan Cumar Hoori Beeshaada cidhifka Bari sanadka dambeba waynu siin doonaa horta keen mise waxad rabtaa in adiga laguugu wada dhiibo macaa kuwa maqan ee badhan Garoowe joogaan badhna muqdisho joogaan.

Gabogabadii, muslinoow rug sheeg muslinoowna uga qaado ayaa aynu isku afgaranaa, maanta haddii aniga la igu yidhaa muxuu Xasan Cumar Hoori ku soo kordhiyay dalka beentay maaha hadaan idhaahdo barnaamuj Xaawa iyo Aadan la yidhaa oo 2 sanadood maalinta khamiista ku soo bixi jiray wargayska  Jamhuuriya, laakiin raga aan filayay in haldoorka ay ku soo baxaan Xasan kumuu jirin waxan islahaa Xagle Toosiye oo kale wuu soo bixi doonaa, oo Khadar mulkiilaha Ambbasaddor Hotel  waan ka waayay liiska

Intaa aan ku dhaafo Xasan Cumar Hoori iyo faaladiisii cadhadu ka keentayba.

Nin gole ka cadhooday Siigo Yaraa ayay maahmaahi tidhaahdaa, waxan shalay idhahayga saaray rag waawayn oo kolay aan anigu u han waynaa oo ku leh, anigu abaalmarina qaadan maayo oo waayo? Qaar waxay iigu jawaabeen Daahir Rayaale iyo C/laahi Ciro ayaa ku jira nin kale  oo waliba culimo ahi markuu meeshii yimid iee uu liiskii akhriyay ayuu iska baxay waxana igu maqaalo ah Xirsi markuu ku arkay Liiska ayuu qaatay go’aankaasi in uu iskaga tago abaal marinta. 

Nin kale isna wuxuu u iman waayay maadaama oo Madaxwaynihii Jamhuuriyadu bixinayo Abaalmarinta oo uu yahay kii Xilka iga qaaday maxaan ka dooni ayaa laga hayaa.

Nasiibdarada jirtaa ee Somaliland haystaa ayaa waxay tahay mid bisayl badani ka maqan yahay, qaaciido aasaasi ah ayaa tidhaahda hogaanka dal yeeshaa wuxuu noqdaa hadba sida wadciga dadka dalkaasi yahay.

Haddaad aragto ruux ruux kale ku kacsan oo xataa dantii guud ee uu kula waday uga tagaya ruuxaasi
dartii, markaasi kaasi lama odhan karo waa ruux dhamaystiran, haldoornimadana markeedii hore ayaa lagula khaldamay Ilaahaybaase seejiyay.

Waxan hadalkayga kaga baxayaa Abaal marinta qorista maqaalada haweenku xiiseeyaan ayaan siinayaa Xasan Cumar Hoori madal il yartu is qabatay oo waliba haween u badan ayaanan ku siinayaa waxanan ku kalsoonahay in uu iga aqbali doono maadaama oo akhristayaashii barnaamijkaagii caanka noqday ee xaawo iyo aadan ay wali joogaan adiguna aad tahay ninkii qori jiray.

Qalinkii Sulieman Ismail Bolaleh  

No comments: