Thursday, February 28, 2013

Mareegta Facebook-ga Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Weerareen Hackers



Maamulka mareegta Facebook ayaa sheegey inay soo weerareen hackers computer-da dhawr engineer oo ka tirsan shirkadda. Sida uu sheegey madaxa security-ga Facebook Joa Sullivan, hackers kani waxay bar tilmaameed sadeen, computer-da ay ku shaqeeyaan engineer-da ugu sareeya shirkadda ka hawl gala, iyagoo baadi goobaya siday ugu u jabsan lahaayeen xogta dadka mareegta isticmaala.

Jao wuxuu sheegey inay fashiliyeen amuurtaas, kadib markii magic shabakadeed (Domain Name) oo ay hore uga shakiyeen oo ayka masaxeen uu dib dalab usoo dhiibtay.  Kaas oo markay dabo gal ay sameeyeen ay ku ogaadeen inuu dalab kaasi ka yimi mid ka mid ah engineer-da shirkadda computer-kiisa.

Kadibna, dabo gal dheeraad ah oo ay sameeyeen ku ogaadeen in virus la mid ah lala bartilmaameed saday engineer-ro kale computer-doonana. Joa waxa uu sheegey inay dabo galka wadaan, lakiinse, ilaa iminka ay hackers-kii ku fashilmeen isku daygoodii inay helaan xogta dadka shabakadda ku xidhan.

Madaxa security-gu wuxuu sheegey inay hackers-kani u adeegsadeen inay virus-kooda ku beeraan computer-da engineeradda barnaamij zero –day Java oo ku jiray  computer-dooda.

Joa Sullivan waxa uu sheegey inkastoo aanu isku daygani markii ugu horeysay ahayn oo uu kamid yahay isku dayo taxane ah oo lagu weerarayay mareegta Facebook-ga, inay u tuhun san yihiin shirkado kale oo uu ka dhexeeyo tartan.

Shabakadda twitter ayaa lafteeda la tuhun san yahay inay hackers-kani weerareen. Tuhunkaas ayaa ka dhashay kadib markii ay shabakaddu ka saartay mareegteeda isticmaalka Java-ga sida uu ku qoray boga Ars Technica.
 

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment