Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo Magaalada
Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in maxkamada Ciidanka Maamul Goboleedka
Puntland ay dil ku xukuntay mas’uulka ugu sareeyo Kooxda Shabaab Axmed Godane
ka’dib dilkii loo geystay Sh.caan ka ahaa magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka
nugaal oo lagu magacaabi jiray Dr Axmed xaaji C/raxmaan.
Maxkamadeynta Shan nin oo lagu tuhmayo in ay ka
dambeeyeen dilka Sheekha ayaa iyana lagu xukumay Maxkamada.
Goobta uu dilka ka’dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa qaar
kamid ah raga dilka lagu xukumay walow uusan halkaasi kusugneyn hogaamiyaha
Ururka Shabaab axmed Godane halka ay jiraan rag kale oo iyana qayb ka’ahaa
dilka Sheekha oo ay haatan maxkamadeyntoodu socoto .
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment