Magaalada Minneapolis ayaa waxaa kusoo booqday qoraaga Somaaliyeed C/latiif Cige, oo dhawaan qoray buug lagu magacaabo Guban. Cabdilatif Cige ayaa ah bare wax ka dhiga jaamacada Columbia University ee magaalada New Yowrk. Buugan oo ku quran luqada Englishka ah ayaa waxaa uu qoraaga ku bidhaaminayaa qiso fictional ah oo ka hadlaysa taariikh kooban taniyo markii gumeysiga dalka Soomaaliya uu ka baxay ilaa iyo burburkii dowladii kacaanka.
Idaacada Somali Public Radio ayaa ka waraysatay qisada buuga, goobaha kala gedisan (setting), wadayaasha qisada (characters), iyo waliba qaabka uu sheekada u dhigay. Buuga Guban ayaa laga heli karaa inta badan goobaha laga iibsado buwaagta, sida Amazon, Barnes & Noble, iyo waliba kuwa kaloo farabadan.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment