Washington
- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadeeyey in aanay jiri doonin
tixgalin gaar ah oo Somaliland loo siiyo ka qaybgalka shirka lagaga wada hadli
doono arimaha Soomaalida ee lagu qabanayo magaalada London bisha May ee
sanadkan. Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacada VOA-da, Xasan Sheekh Maxamuud
wuxuu ku sheegay in maamulkiisu Somaliland u arko qayb ka mid ah Somalia, isla
waxa uu shirka ka dhici doona London ku tilmaamay mid lagu qabanayo magaca
Somalia.
Mar
wax laga waydiiyey in qaabka ay Somaliland shirka uga qaybgalaysaa uu la mid
yahay sidii kii ay ugaga qaybgashay shirkii London ee hore, waxa uu ku jawaabay
inay Somaliland u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Somalia oo ay duruufo dhacay
geeyeen halkay maanta taagan tahay arimahaasna laga wada hadli doono. Xasan
Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in isaga iyo Raysal Wasaaraha Britain
David Cameron ay wada jir u gudoomin doonaan shirka London, waxaanu intaas ku
daray in durtaba ay sameeyeen gudi qaban qaabo labada dhinac ah iyo in hada
lagu hawlan yahay diyaarinta ajandihii iyo martiqaadyadii loo kala dirayey
wufuuda beesha caalamka uga soo qaybgali doona shirka.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment