Search This Blog

Wednesday, January 9, 2013

War Degdeg Ah: Xukuumada Jabuuti Oo Xidhay Xadka Ay La Wadaagto Jamhuuriyad Somaliland & Cabsi Laga Qabo in Dagaal Sockeeye ka Bilaabmo Deegaanada Xeebta Galbeed Ee Somaliland !!!!

Saylac - Xukuumada Jabuuti ayaa dhinaceeda xidhatay xadka ay la wadaagto Somaliland ka dib markii ay saaka ciidamada Qaranka Somaliland weerar ku qaadeen dadkii mudaharaadayey ee  ku sugnaa magaalada Saylac weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay shacabkii mudaharaadayay.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee haatan keentay in  Xukuumada Jabuuti xidho Xadka ay la wadaagto Jamhuuriyada Somaliland basle waxa laga yaabaa in ay la la xidhiidho arimo la xidhiidha amaandarada ka soo korodhay deegaanada xuduuda ee Jabuuti ay la wadaagto Somaliland iyadoo Xadka dhinaca Jabuutina uu ku yaalo Saldhiga Mirataniga ciidamada Maraykanka ee loo yaqaan Camp Lemonnier oo hoy u ah  Ciidamada la yidhaa Combined Joint Task Force - Horn of Africa, iyadoo warbaahinta Somalilandna wiigagii ugu dambeeyay ay qorayeen warar la xidhiidha Labo Ciidan Beeleed isku urursanayaan xadka labada dal u dhexeeya dhinaca Somaliland lagana cabsi qabo dagaal sokeeye oo ku dhexmara deegaanada xadka beelaha Ciisaha iyo Gadabuurisiga.


Wararkii hore ee ay HornWatch qortay: http://hornwatch4rights.blogspot.com/2013/01/ciidan-beeleedyo-iska-soo-horjeeda-oo.html

Laba Ciidan Beeleed oo qarqarka u saaran in ay ku dagalaamaan gacan ku haynta Degmada Saylac

Wararka naga soo gaadhayay Xalay Degmadda Saylac ayaa sheegaya in laba Ciidan Beeleed oo ka kala tirsan Beelaha Ciise iyo Samaroon ay isku Urursadeen Deegaamadda Degmadda Saylac ee Bariisle iyo Fiqi Aadan oo ka tirsan Gobolka Salal.Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolkaasi mid ka mid ah Ciidan Beeleedyadaasi waxa uu sheegay shalay inay u tageen Badhasaabka Gobolka Salal iyo Taliayaha Qaybta Booliiska balse waxa ay ku guul daraysteen inay kala kaxeeyaan Ciidan Beeleedkaasi oo degay buurta u dhaw Bariisle.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ciidan Beeleedka kale ee ka soo jeeda Beesha Samaroon in ay iyana shaly galab isa soo urursadeen oo ay degeen Duleedka tuuladda Fiqi fuliye, kuwaasoo difaac ka galay balse labada dhinac ilaa hada mid kood-na ma uu samayn wax talaabo ah.Xaalada Deegaanka Saylac ayaa u muuqda mid kacsan oo aanay Xukuumaddu ilaa hada wax xal ah u haynin, waxaanay ilo wareedyo u dhaw Xukuumaddu Waaheen u sheegeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur Madaxtooyadda ku war geliyay in dhakhso wax looga qabto, hase yeeshee wax talaabo ah oo ilaa hada la qaaday ma jirto.
SOURCE: http://waaheen.com/?p=57048

No comments: