Tuesday, January 8, 2013

Xus Balaadhan Oo Baroordiiq ah oo Urur Siyaasadeedka Xaqsoor U Qabtay Dhalinyaradii Ay Qudha Ka Jareen Ciidanka Booliksa Xukuumada Siilaanyo Banaanbaxyadii Hargeysa Ka Dhacay Ee Lagu Diidanaa Natiijadii Qaldanayd Ee Doorashada Golaha Deegaanka+Daawo Sawirada

Hargeisa - January 08, 2013: Xus balaadhan oo lagu qabtay xarunta urur siyaasadeedka Xaqsoor ee magaalada Hargeysa ayaa maanta loo sameeyey dhalinyaradii lagu laayey banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa ee lagaga soo hor jeeday natiijadii doorashadii golaha deegaanka ee dalka ka dhacday.

Sidoo kale Aamina Cabdilaahi waxay sheegtay inaan dadka reer Axmed Dhagax aanay matali Karin salaadiinta habeenkii madaxtooyada taga, iyada oo dhinaca kalan sheegtay inaan xukuumada haatan talada haysaa aanay ciyaaraha gobolada ku qaban Karin garoonka Hargeysa Stadium oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Aamina Cabdilaahi waxa kale oo ay fariin u dirtay wasiirka cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo agaasimaha gaadiidka madaxtooyada oo ay ku eedaysay inay kala qobqobayaan beesha degta degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.



Sidoo kale waxa kulankan baroordiiqda ah ka hadashay marwo Xaliimo Tahar oo ka mida hooyooyinka degmada Axmed Dhagax waxaanay ugu horayn tacsi u dirtay ehelada hooyooyinkii
laga laayey caruurta ?marka hore waxaanu tacsi u diraynaa hooyooyinka caruurtoodii lagu laayey mudaharaadkii salmiga ahaa ee ay dhigayeen caruurtu, waxaanu taageero hiil iyo hooba la garab taaganahay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Muj:Xasan Ciise Jaamac? 
Marwo Xaliimo Tahar oo la hadlaysa madaxweynaha Somaliland ayaa waxay tidhi ?waligayo kama hadhayno inta aanu helayno xaqayaga iyo xaqa ururka Xaqsoor, waxaanan leeyahay madaxweynaha waligaaba ansixi sadex xisbi anaga waligayaba nagama hadhayo ururka Xaqsoor waanad boobtay madaxweyne oo caalamka ayaa og sida aad codadkii xaqsoor ka yeeshay, ururka Xaqsoor waa xisbig Jira waanu jiri doonaa.?




Aabaha Dhalay Ale Haw Naxariistee Marxuun Ridwaan Cabdi Oo Ka Mid Ahaa Dhalinyaradii Ay CiidamaduXabada La Eegteen Oo Ku Sugan Xarunta Loogu Baroordiiqayo Dhalintii Ay Xukuumadu Laysay

Sidoo kale marwo Xaliimo Tahar waxay xukuumada ku eedaysay inay ka soo hor jeedo gobolka Hawd iyada oo ku eedaysay in wasiirka maaliyadu uu hor istaagay in gobolkaas ay si rasmiya u soo maraan qaadka tagaya gobolada Somaliland, iyada oo dhinaca kalana sheegtay inay xukuumadu ciyaaraha gobolada ku qaban Karin garoonka Hargeysa Stadium.




Waxa kale oo kulankan barooqdiiqda ah ka hadashay Faadumo Aadan Axmed waxanay sheegtay in ujeedada kulankani ay tahay inay xus u qabtaan dhalinyaradii ay xukuumadu ku laysay degmada Axmed Dhagax ?goobtan maanta layskugu yimid maaha goob farxadeed ee waa goob geeriyeed, waxaanu baroor diiq u dhigaynaa caruurtayadii lagu laayey degmada Axmed Dhagax, caruurtaas oo si xaqdaro ah loo laayey taas oo Somaliland oo dhami aanay dhugasho u yeelan, waxaanu ogaanay in cadaawad badan naloo hayo taas oo aanu ku ogaanay dilkii ka dhacay degmada Axmed Dhagax waayo maanaan arag salaadiin,guurti iyo cid kale oo ka hadlaysa waxa ka dhacay degmadan Axmed Dhagax.?


Sidoo kale waxa xuskan baroordiiqda ah ka hadlay qaar ka mida haween weynaha degmada Axmed Dhagax kuwaas oo sheegay inay degmada Axmed Dhagax leedahay go,aan midaysan oo aanay marna xukuumada kala qob qobi Karin.













No comments: