Qoraa/Saxafi = Cali Cabdi (Coomay) |
Wednesday,
January 09, 2013
Saylac
waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo
taariikhdeeda,
haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu
ahaa Avalites.
Saylac
waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo
taariikhdeeda,
haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu
ahaa Avalites. Magaaladu waxay soo martay marxaldo kala duwan iyo maamullo fara
badan. Ha noqdaan qaar shisheeye iyo kuwo soomaaliba ah.
Waxaynu
inta suurtagal ah soo bandhi doonaa taariikh kooban, oo iftiimisa
heerarkii
ay soo martay magaaladu. waxaan raaci doonaa tixraac aan ka soo xigay
taariikhda qoran.
Maamuladii Shisheeyaha
- Bilowgii
1300-kii waxa magaalada ka samaysmay
boqortooyo islaami ah, oo ahayd tii ugu horaysay geeska afrika ka dhalata.
Waxaana magaceeda la odhan jiray Shawa. Waxa aasaasay koox carab ahaa, oo reer
Baniimakhsuum ahayd. Waxay ka yimaadeen dhankaa iyo jasiirada carabta. Nimankan
reer Baniimakhsuum waxay ka dhiseen magaalada maamul ay gacanta ku hayaan, oo
muddo badan ka talinayey magaalada. Lama hayo wax tafiir ah oo ka hadhay
nimankaa. Waxase la sheegay dad tiro yar oo la yidhaa Orgobaha.
- Sannadihii
1312-kii iyo 1342-kii
waxa soo weeraray magaalada boqor itoobiyaan ahaa, islamarkaana qabsaday guud
ahaan magaalada
- Sannadihii
1330-kii ilaa 1331
waxa soo booqday magaalada qoraagii caanka ahaa ee la odhan jiray Ibnu Battuutaha.
Wuxuu ku sheegay magaalada saylac waa
magaallo camiran oo ganacsi xoogani ka socdo, dadka magaalada deganaa waxay
ahaayeen qaar midabkoodu madow yahay, oo Ber-Ber ahaa. Waxa magaalada lagu cuni
jiray kalluunka iyo hilibka geela. Waxa jiray Bakhaaro lagu keydiyo kalluunka,
kuwaasi waxay magaalada ku keeneen ur qadhmuun. Wadooyinka magaalada gudaheeda
waxa lagu qali jiray geela.
- Horaantii
sannadkii 1416-kii
waxa burburtay dawladii IFAT oo uu hogaamiye u ahaa suldaan Maxamed Sacadadiin,
oo carab ahaa. Waxaana isugu tegay boqor itoobiya xukumayey wakhtigaasi oo la
odhan jiray Negus Yeshay iyo ciidamo boortuqiis ahaa. Waxay qabsadeen saylac oo
xarun u ahayd dawladii IFAT, waxay burburiyeen magaaladii saylac, waxaana lagu
diley dagaalkaasi suldaan Maxamed Sacaadadiin, waxaana lagu aasasay jasiirada
sacaadadiin oo ilaa maanta magaciisa xamaarsan, oo loogu magac daray.
- Dabayaaqadii
sannadkii 1420-kii
waxa samaysantay dawlad islaami ah oo la odhan jiray ADAL. Waxay ka dambaysay
dawladii IFAT ee dagaalka lagu jabiyey. Mar kale ayey saylac xarun u noqotay
dawladan ADAL. Adal waxa maamulayey hogaamiyeyaal carbeed. Waxay u badnaayeen
reer yeman, balse ciidamada ayaa soomaali u badnaa.
- Ganacsiga saylac waxa haystay Carab,
Beershiyaan iyo Hindi. Waxa kale oo jiray soomaali la carabeeyey, oo ku
dhexmilmay carabta.
- Horaantii
sannadkii 1507-dii
ayuu hogaankii dawladii ADAL la wareegay Ahmed Ibraahin AL-Gazi (Ahmed-Guray)
oo dhisay maamul xoogan, oo markii hore xarun ka dhigtay magaalada saylac.
Halkaasina in muddo ah degnaa. Magaalada oo uu dabsudhay bootuqiisku ayuu
Ahmed-Guray dhisay. Markii dambe wuxuu u guuray magaalada Harar. Ahmed Ibraahin
Al-gazi waa carab, balse aan la hayn ciduu ka ahaa. Dadka qaarkii ayaa ku
sheega soomaali, laakiin arrintaasi wax daliil ah uma hayaan.
- Sannadkii 1543-kii ayaa Ahmed-guray lagu diley dagaal
ay soo qaadeen ciidamo boortuqiis ahaa, oo taageerayey boqor itoobiyaan ahaa.
- Sannadkii
1630-kii waxa maamulkii magaalada saylac la
wareegay xukunkii MOKHA, oo reer yeman ahaa. Waxay dadka ka qaadi jireen
cashuur. Reer MOKHA waxay dhiseen deked macmal ah, oo laga dhoofin jiray
xawayaanka, hargaha, shimbiraha iyo dad adoon ahaan loo soo qabto. Taasina
waxay keentay inay magaaladu camirtanto, oo ganacsi xoogani ka socdo. Waxaanu
xukunka reer MOKHA soo taxnaa ilaa laga soo gaadho sannadkii 1780-kii.
- Sannadkii
1821-kii waxa dalka yeman qabsaday dawlada
Masar oo bortooyadii Cusmaaniyiinta ka wakiil ka ahayd. Waxa kale oo Masar
qabsaday saylac ilaa xeebaha jabuuti.
- Sannadkii 1841-kii waxa xukunkii saylac qabsaday Xaaji Cali Sharmarki oo
soomaali ahaa, kana ahaa isaaq/Habaryoonis. Waana ninkii ugu horeeyey ee
soomaali ahaa oo maamula saylac. Wuxuu wakiil u noqday boqortooyadii
Cusmaaniyiinta. Markii in muddo ah maamulayey, waxa xukunkii kala wareegay nin
u dhashay beesha Canfarta oo la odhan jiray Abu-Bakar Pasha.
- Sannadkii
1842-kii waxa magaalada saylac soo booqday
nin la odhan jiray
- JOHNSTON. Wuxuu sheegay inay
magaalada ku xeersan yahay dayr weyn oo difaac u ahaa. Taaso muujinaysa inay
magaaladu ku jirtay colaad joogto ah.
- Sannadkii 1854-kii waxa
sidoo kale soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Richard F. Burton wuxuu sheegay
in magaalada ciidan hubaysani ilaaliyo, islamarkaana dadka laga dhoofiyo.
- Sannadihii 1874 ilaa 1877-kii waxa marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayey xukunkii
Masar ee yeman iyo saylac ka talinayey. Taaso aakhrikiina keentay inay
ciidamadii Masar ee Cusmaaniyiinta ka wakiilka ahaa ka baxeen yeman, saylac iyo
xeebaha jabuuti. Waana sannadkii 1884-kii.
- Sannadkii 1885-kii waxay
saylac gashay tartan ay ku tartamayeen Faransiiska oo qabsaday xeebta Tajore ee
dhulka canfarta iyo ingiriiska oo degay xeebaha somaliland iyo yeman. Waxay ku
sigteen inay ku dagaalamaan magaalada saylac.
Balse
markii dambe waxay isla garteen in lagu heshiiyo, oo ingiriiska loo daayo.
Dadkii
degnaa magaalada saylac waxa la odhan jiray SAYLICIYIIN iyo AWDALIYIIN.
Dabayaaqadii
1885-kii waxa saylac lagu saxeexay heshiiskii ingiriiska iyo 11 oday oo beesha
ciise ah.
Heshiiskaa
wixii ka dambeeyey waxay magaalada gacanta ugu jirtay maaamulkii ingiriiska ee
( British Somaliland protectorate) ilaa laga soo gaadhayo markii ay xornimada
qaadeen gobolladii waqooyi ee British Somaliland sannadkii 26/6/1960-kii.
Balse
maamulka hoose ee magaalada waxa xukumayey beesha Ciise.
Xornimadii
ka dib Markii xornimada la qaatay waxa duq ka noqday magaalada beesha ciise
ilaa laga soo gaadho burburkii kacaankii maxamed siyaad barre. Waxay kala
ahaayeen:
- Cilmi Nuur Faarax...............1960......1969
- Khaalid Cabdi Diiriye...........1969......1984
- Daahir Xirse Cali.................1984.........1989
Ilaa
laga soo gaadho dawladii Daahir Rayaale Kaahin waxa magaalada duq ka ahaa
Beesha Ciise. Marka laga reebo duqan imika la isku haysto, oo Beesha samaroon
ah.
Xaafadaha Ay Ka Jooban
Tahay
1.
Qoor Doodi
2.
Xalane
3.
Sacadadiin
4.
Awdal
5.
Ahmed-Guray
6.
Waaberi
Tuulooyinka Hoos
Yimaada
1.
Ceel Gaal
2.
Habaas
3.
Jidhi
4.
C/Qaadir
5.
Heemaal
6.
Xuseen
7.
Ahmed Shabeel
8.
Riigga
9.
Toqoshi
10.
Oda Waari
11.
Caasha Caddo
12.
Cali Weeci
13.
Haamboos
14.
Camuud Culus
15.
Xamaamka
16.
Bariisle
17.
Lawyacaddo
18.
Fiqi Aadan
19.
Xirsi Bow
20.
Laanta Morohda
Beeshii Asal Ahaan
Degi Jirtay
Marka
taariikhda la eego waxa magaalada saylac degi jiray beesha Ciise oo
bilowgii
hore asal ahaan degi jirtay. Waxa aad loogu xusaa taariikhda ugaasyada beesha
Ciise oo muddooyin badan taariikh ku lahaa. Waxa ku jira xeerka beesha ciise in
ugaaskeedu ka minyaraysto magaalada Saylac, taasoo muddo qarniyaal ah soo
taxnayd.
Beelaha Imika Wada
Dega
Wakhtigan
xaadirka ah waxa magaalada wada dega beelaha kala ah: Samaroon, Ciise iyo
Isaaqa/Jibriil abokor oo tiro yar ah.
Cali
cabdi coomay
Suxufi,
qoraa ah.
Hargaysa,
somaliland
calicoomay@hotmail.com
Xigasho
-
Kitaab
Al-Buldaan...........................................AL- Yaquubi
-
Taariikhda
xeebaha Soomaalida......................Prof. Yuusuf Baane
-
The
Arab and Somalis................. ...................Xuseen A. Khayre
-
Periplus
of the Erythraean sea.........................Qoraaga lama yaqaan.
-
Ibnu-Battuutah.......................
.......................Keydka Buugta
-
Yeman
and Zeila Past History..............,,..........Abu- Said Azaam
war warbixintan khaldan yaa kuuso dhiibay waaxay carabta iyo xabashida aad ka sheekenaysid??? Labada booqrtooyo ad sheegaysid wll waa Sultanate Somali ahaa Awdal ama Cadal Sultanate iyo Ifat Sultanate laba duba waa Sultanate Somali ahaa ! Carabta aad leedahay somali baa askari u aheed wc ka jira ma jiraan Somalidu waa dad waligood Booqrtooyo lahaa o wax xukumi jiray waligood lama xukumin!!! Sacadadiin waxad tidhi Xabashi baa dishay waa sax iyagaa dilay isagoo talinayay booqlaal sano kadib bay Awdal Sultanate saas u fahan
ReplyDeleteaad baan ula dhacay taariikhdan inkastoo taariikhdan halkan lagu soo baahiyay sanadkii 2013, hadana 2024 septemper 27 friday, ayaan akhriyay magaalada saylacna waa magaalo taariikheed, Beesha ciise ee magaalada iskaleh iyo dadka la degana waan salaamayaa
ReplyDeleteGadabuursi ayaa taariikh aahaan uleh hadana leh
ReplyDelete