Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale |
Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo
hoggaaminayay koox saraakiil ciidameed ah, ayaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ku
qabsaday inqilaab milleteri 21kii Oktoobar, 1969kii. Inqilaabkan millateri oo
aanu dhiig ku daadan, ayaa dalka ka dhacay ka dib markii uu ka talinayay nidaam
Baarlamaan-ku-sheeg ahaa oo sagaal sannadood xukunka hayay. Maamul aad u liitay
oo musuq-maasuq, eex iyo qabyaalad ku sifoobay oo dal iyo dadba khaati laga
joogay ayuu ahaa. Koox yar oo reernimo isku hayasatay ayaa talada dalka gacanta
ku haysay.
Cabdillaahi Suldaan, mar uu xaaladdii tagneyd
sawir ka bixinayay waxa laga hayaa:
“Iyada oo isku huurtayoo,
Ninba meesha uu haysto,
Hudheelkiisii la moodoon,
Xafiis loogu hagaaginoo,
Cidiba soo hor maraynin,
Haybaddii naga duushay,
Habeenkaanu hellow,”
Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tarjumayaa
dareenkii baahay ee shacbiga ahaa ee lagu naawilayay in ay sida roon wax isu
beddelaan. Waa tii maansayahnkii Axmed ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasim,
qudhiisuna saadaasha ka bixiyay ee lahaa:
“Cishadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, caalimka ahaaye,
Anigaa se moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, caabud iyo gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,”
Nidaamka bahaloobay wuxu ku soo af-jarmay
dilkii bahalnimada ahaa ee Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo 15kii
Oktoobar 1969kii nin askari ah oo ilaalinayay ku toogtay magaalada
Laas-caanood. Lix maalmood ka dib, iyada oo ay qoyskii talada dalka maroorsaday
iyo intii ku xeerreyd ku shirayaan Xaruntii Xisbigii SYL, ayay ciidammadii
qalabkii siday ee Xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad
Barre inqilaab milleteri taladii dalka kula wareegay.
Maansayahankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi
Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde, mar uu habeenkaa sifaynayay wuxu yidhi:
“Annaga oo habayaaqnayoo,
Meel fog heeryada saarrayoo,
Qeyrkeen hoos ka marriyo,
Hadda oon is-ogeynoo,
Hog dheer laynagu duugaa,
Heddu waa waqtigeedee,
Hoggay Leego (SYL) gelaysay,
Hugun weyni ka yeedhayoo,
Anaa qaadi hoggaankiyo,
Anaa xoolo huraayiyo,
Hayb saran ka dhashay,
Ninba hoygi ku faanayoo,
Hig tidhoy kala yaacdayoo,
Hormaba gees u dullaantayoo,
Heshiis layska dhex waayay,”
Maxamed Siyaad Barre, taladan dalka ee uu
qoriga caaradiisa kula wareegay ma ay ahayn mid ku-soo-booddo ah oo habeen uu
seexanayay ku dhalatay, bal se waxay ahayd fikrad uu ka baaraan-degay oo uu soo
diyaarinayay tan iyo 1967kii sida ay noo sheegeen looga-qaateenkii abaabulkaa
wax ka ogaa.
Si uu dalka u maamulo oo uu gacantiisa ugu
jiro, wuxu markiiba sameeyay wax uu ugu yeedhay Golaha Sare ee Kacaanka. Garo’
oo inqilaabkii uu talada kula wareegay ayuu asturay oo u bixiyay ‘Kacaan’, bal
se ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kadeed aan ilaa maanta ka hadhin ayuu
u ahaa. Golaha Sare ee Kacaanka afka Ingiriisiga waxa lagu odhan jiray ‘Supreme
Revolutionary Council’ oo loo soo gaabsan jiray SRC. Golaha Sare ee Kacaanka
waxa loo soo gaabsan jiray GSK. Ereygan ‘Kacaanku’ beryodanbe ayuu baxay e’
maalmihii hore waxa la odhan jiray ‘Towradda’. Labada waxa caan-bacay oo ay
dadku inta badan ku hadaaqi jireen amaba hal-hays u lahaayeen ‘SRC’-da.
Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre si uu taladii dalka gacanta
ugu dhigo isla markaana ay ugu suuro-gasho in uu ummadda sas iyo khalkhal ku
abuuro, wuxu samaystay Hay’adihii cadaadiska iyo cabbudhinta ee uu ummadda ku
san-dulleyn lahaa. Hay’adahaan cadaadiska waxa ugu horreysay oo dhidibbada loo
taagay Hay’addii la eeday ee magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) lagula
kufay, oo markii danbena dadku iyaga oo liidaya ay ula baxeen Ninka Suubban
Siyaad (NSS) maa daama Axmed Saleebaan Cabdalle oo hay’addaa madax ka ahaa uu
qabay Suubban Maxamed Siyaad Barre.
Xeerkan, aan maanta idiin soo tarjumayo waa
markii iigu horreysay ee aan indhahayga saaro. Aniga oo ka soo hawl-galay
Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Muqdisho ayay
haddana maanta kow ii tahay in aan Xeerkaa Soomaali oo dhan gumeystay markii
iigu horreysay arko. Miyaanay Deelleeydii Cabdi Cali Weyd ee ‘Dacawaa cir ku
onkoday’ ku jirin tuducan soo socdaa:
“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”
Ma aniga iyo cid baa ku seexatay 10 sannadood
oo halgan hubeysan ahaa iyo 21 sannadood oo madax-bannaani la haystay ayaa la
isku qabsan doonaa Xeer Sir-doon Qaran
iyo magacyadii jaan ee ummadda laga xoreeyay.
Sow tii Raage Ugaas lahaa:
“Anuun baa ‘abeed’ lehe rag sow, ima ilaalaysan,
Sow waxaan illoobaba nin xumi, ima ogeysiiyo,”
Aynu u soo daaddegno Hay’adda, Xeerkii lagu
dhisay iyo ujeeddooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre ka lahaa.
Hay’addii Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee loo
soo gaabsan jiray NSS, waxa lagu dhisay Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee soo
baxay 15kii Feeberweri, 1970kii. Sharciyayntii Xeerkan waxa lagu ballaysimay,
annaga oo soo xiganayna Xeer Lm. 14 laftiisii oo PDF Ingiriisi ku qorani, wuxu
ku bilaabmayaa:
Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii
uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo
Hay’ad Nabad-sugideed,
Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay
Xeerkan:
(La
soco Qormada 7aad ………)
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment