Muj. Boobe Yuusuf Ducaale |
1. Ka-hor-tegidda,
kharbudaadda cadowga, qabashada basaasiinta, adeegayaashiisa iyo u gudbintooda
hay’adaha Xeer Ilaalinta,
2. Is-kaashiga
iyo kala-qayb-qaadashada Waaxaha Ciidammada sahanka fog,
3. Samaynta
iyo ilaalinta xidhiidhada gudaha ee hawlaha nabad-sugidda khuseeya,
4. Wada-shaqaynta
& war-is-dhaafsiga Hay’adaha nabad-sugideed ee saaxiibka lala yahay,
5. Diiwaan-gelinta
dhammaan xubnaha muhiimka ah & daaquudyada u shaqeeya Taliska Siyaad Barre,
6. Diiwaan-gelinta
xubnaha iskood Ururka uga baxay, kuwa laga saaray, kuwa cadowga u gala iyo
la-socodka dhaqdhaqaaqyada si la isu hor taago wixii waxyeello ay Ururka ku
keeni karaan,
7. La-socodsiinta
Guddoomiyaha & Guddida Fukinta xaaladda nabadgelyada Ururka si joogto ah,
8. Guud
ahaan la-socodka xeryaha Qaxootiga si aanu cadowgu ugu soo dhex darsan
basaasiin,
9. Ka-hor-tagga
dacaayadaha af iyo qoraalba leh ee wax loogu dhimayo jiritaanka Ururka iyo
xubnihiisa,
1.
10.Ka-war-qabka & hubinta
nabadgelyada waddooyinka wax u soo maraan Ururka,
10. Ilaalinta
siraha Ururka,
Saxeexa
Maxamed Ibraahin Warsame
Cabdi Yuusuf Ducaale
Guddoomiyaha
Guddida Joogtada Xoghayaha G/Dhexe iyo G/Joogtada
Bal
hadda immikana aynu guud-mar kooban ku samaynno maamulladii u kala danbeeyay
Somaliland iyo waxyaabihii ay ka qabteen Xafiiska ‘CID’-da iyo Sir-doonka
Qaranka ee Somaliland. Idinka oo raalli iga noqon doona, ma aha baadhis
qoto-dheer bal se si sar-ka-xaadis ah oo aan qoto dheer lahayn ayaan idiin ku
soo gudbinayaa.
Maamulladii Somaliland iyo
Sir-doonka:
Maamulkii Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): 1991kii-1993kii
Muddadan
ama xilligan kala-guurka ahaa, 18/5/1991kii-18/5/1993kii, ee uu Cabdiraxmaan
Axmed Cali oo loo yaqaannay Tuur hayay hoggaaminta SNM iyo dalkaba, wax badan
oo qabsoomay ma jirin. Waxay ahaayeen laba sannadood oo kala-guur ku suntanaa
oo ku dhammaaday dagaallo iyo colaado sokeeye oo la eeday oo aan la mahadin.
Nasiib-wanaag waxa qabsoomay Shirkii Nabadaynta ee Sheekh oo lagu go’aansaday
Shirweynihii Guurtida ee 1993kii ku qabsoomay Boorame.
Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: 1993kii-2002dii
Madaxweyne
Cigaal waxa lagu doortay Shirweynihii Boorame iyada oo la siiyay laba sannadood
oo ku-meel-gaadh ah oo ay ahayd in uu Dastuur Qaran ku diyaariyo. Ma ay dhicin,
waxaana loo kordhiyay muddo 18 bilood ah oo kale. Iyada oo ay hawlo badani
qabsoomeen, waxaynu halkan uga gol leenahay maxaa laga qabtay hay’adaha Amniga.
Intii
uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal talada dalka ahay waxa dhismay: Ciidammadii
booliska, asluubta iyo ciidanka qaranka. Maamulkaa Cigaal waxa kale oo uu
culayska saaray dhismaha Laanta Denbi-baadhista ee loo yaqaanno CID’-da. Maa
daama uu Cigaal madax ka ahaan jiray maamulkii Soomaaliya xilliyadii uu
Ra’iisal Wasaaraha ahaa, wax la yaab leh ma aha in uu dhiso booliska iyo weliba
laanta ‘CID’-da.
Cigaal,
waayo-aragnimo badan oo door ah ayuu u lahaa dhismaha dawladeed iyo
hoggaaminteedaba, taasina waa ta keentay in uu lahaa dhismihii ugu mudnaa uguna
horreeyay ee hannaanka dawladnimo, wixii ka danbeeyay 1991kii. Wax la yaab leh
ma aha in aanu Madaxweyne Cigaal aad u danaynin dhismaha Hay’ad Sir-doon ma
daama uu ka mid ahaa dadkii siyaasiyiinta ahaa ee ugu necbaa nidaamkii
keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre.
In
kasta oo aanay ku koobnaan jirin baadhista denbiyada oo keliya, haddana waxay
ahayd ‘CID’-du gacantii uu Cigaal u adeegsan jiray cabbudhinta saxaafadda oo
mararka qaarkood xabsiyada loo taxaabi jiray.
Maamulkii Mudane Daahir Ra’ayaale Kaahin: 2002dii-2010kii
Daahir
Ra’yaale Kaahin, waa uu ka duwanaa dhammaan Madaxweynayaashii Somaliland soo
maray: mid dhintay iyo mid noolba. Iyada oo ay Laantii Baadhista Denbiyada ee
‘‘CID’-du ay iska sii koraysay ayuu ku guulaystay in uu dhiso shebeked Sir-doon
oo la yaab leh oo gude iyo dibadba laga dareemay. Taasi mid qiimayntayda qof
ahaaneed ku timid ma aha, bal se waa wax duniduba u qirtay.
Waxa
loogu wan-qalay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Dad maanta ka mid ah mas’uuliinta
Muqdisho ayaa igu yidhi mar ay Hargeysa yimaaddeen, Sir-doonka ugu fiican ee
Soomaaliya ka hawl-galaa waa ka Somaliland. Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan
iyo in hoosta laga xarriiqaba in aanu Sir-doonkaa Daahir Ra’yaale inta badan
isku hawli jirin hawlo lagu cadaadinayo shacbiga. Wuxu ku hawlanaan jiray
arrimaha la xidhiidha argaggixisada iyo wixii minja-xaabin ah ee Qarankan
curdinka ah lagu waday.
Tan
macnaheedu ma aha in aan la cabbudhin jirin saxaafadda iyo xorriyatul-qowlkaba.
Haa…tasi waa ay dhici jirtay, waxa se inta badan loo adeegsan jiray Laanta
Baadhista Denbiyada ee loo yaqaan ‘CID’-da. Daahir Ra’yaale wuxu ku guulaystay
in uu sameeyo Sir-doon hawl-gal ah oo gude iyo dibadba isku xidhan. Waxa kale
oo la yaab lahaa iskaashigii mugga iyo baaxaddaba lahaa ee uu Sir-doonkaa
Qaranku la lahaa dhiggiisa dibadeed: mid goboleed iyo mid caalami ahba.
Ceebta
halkan ka muuqatay waxay ahayd in aanay Hay’addaa Sir-doonka Qaranku
sharciyaysnayn oo aanay wax Xeer ah lahayn iyada oo haddana si rasmiya u
hawl-geli jirtay.
“Intaa
waxan ku soo dhaafayaa, dhiilladii hore,” iyo sidii ay maammulladii Somaliland
iskaga danbeeyay uga hawl-galeen Hay’adaha “CID”-da iyo sir-doonka Qaranka.Bal
hadda immikana si aynu sawir uga qaadanno aan eegno oo oo dhex-qaadno Xeerkii
Nabad Sugigga Soomaaliyeed ee Nidaamkii Siyaad Barre, kaas oo aynu ku dhererin
doonno Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland.
(La
soco Qormada 6aad …………....)
No comments:
Post a Comment