Qoraaga Sare Boobe Yuusuf Ducaale |
Waxaynu
u baahan nahay oo lama-huraan ah in aynu wax walba wada yeelanno oo aynu
kalsooni buuxda isku qabno. Waxa lama-huraan ah oo aynaan jiritaankeenna iyo
wada-joogenna uga maarmayn in aynu hello Golayaal Qaran oo dadweynaha
Jamhuuriyadda si buuxda oo kalsoonideeda leh u masila oo aynu ka dhaqaaqno wax
kasta oo shakhsiya oo qarannimadeenna wax yeelaya.
Aragtidii
SNM ee Xafiiska Nabadgelyada
Uma
aan ambo-bixin in aan mowduucan si qoto dheer u dhex-galo, Ilaahayna waxaan ka
rajaynayaa in aynu waqti intan ka badan u hello. Intii aanu ku jirnay halgankii
hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran Xafiiskan Nabadgelyadu wuxuu ka mid ahaa kuwii
ugu hadalka badnaa. Marka hore aan halkan ku caddeeyo in uu Xafiiskani ku
koobnaa xidhiidhkaa sir-doonka. Dabciga iyo xaaladdii ay Jabhadda SNM ku
sugnayd ayaa sidaas qasbayay.
Inteenna
aan xogxogaalka ahayni si aynu uga boganno, waxaynu ku yar hakanaynaa oo si
kooban u guud-maraynaa SNM iyo ujeeddooynkii shariifka ahaa ee ay u taagnayd,
si aad ugu cabbirtaan Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee muranka demi waayay
dhaliyay.
Waxaan
jecelahay in aynu cabbaar is-dul taagno halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta
Qaran ee SNM horseedka ka ahayd iyo taariikhdiisii oo kooban si ay inoogu kala
caddaadaan: WIXII LAGA HALGAMAY IYO WIXII LOO SOO HALGAMAY.
Waxaan
doonayaa in ay I noo kala caddaadaan in aan Maxamed Siyaad Barre qoys ama qolo
ahaan loo qoonsan oo loola dagaallamin, bal se laga gilgishay qaabkii eexda,
quudhsiga iyo xasuuqa ahaa ee uu ummadda Soomaaliyeed 21kii sannadood ee
xanuunka badnaa ee ummadda sida bahalnimada ah ugu talinayay.
SNM
waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay
dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii Nidaamkii
Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho,
Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan
keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa
Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii
ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn
yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo
aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba
gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka
ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii
hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo
si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay halgankana tabantaabinaysay. SNM
waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga
qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada
iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii
hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii
xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee
halgankii hubeysnaa. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq
ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli
jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan
oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.
Xubinnimada
SNM ama sida Ururka looga mid noqdaa wax adag oo murugsan ma ay ahayn, bal se
mid furan oo fudud ayay ahayd; taas oo dhibteeda iyo dheefteedaba ku lahayd
Ururka. Qof SNM ka tirsanaa ama aad ugu dhawaaba wuu milicsan karayay hirarka
siyaasadeed ee aan tooxda iyo qotonka midnaba lahayn ee SNM ka dhex jiray.
Saddex hirba SNM waa ay ka dhex muuqdeen sannadihii ay dhalatay, kuwaas oo kala
ahaa:
Qubane
Ururka muggiisa iyo baaxaddiisa ahaa oo aan yeelan ama lahaynba midab
siyaasadeed oo ka baxsan xoreynta dalka;
Hir
siyaasadeed oo Diiniya oo aan ballaadhnayn, hoggaankiisuna u badnaa xubnihii
dibadda ka yimid, gaar ahaan Khaliijka oo isla markaana hoggaanka SNM hayay
ilaa Noofambar 1983kii;
Hir
siyaasadeed oo janjeedh taqaddumiya ama fikir siyaasadeed oo dimuqraadiya lahaa
oo aan qudhiisu ballaadhnayn, xubnihiisuna u badnaayeen intii dalka gudihiisa
ka timid;
Nuqulka
Xeerkii Nabadgelyada ee SNM:
Xafiiska Xoghayaha
Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,
Lambarka Xeerka: X
-8/GDH/3-05/88 Xarunta Dhexe
Soo
baxay: 12/3/1988,
Xilka
iyo Waajibaadka Xafiiska Nabadgelyada:
-
Dhisidda
Xafiiska Nabadgelyada & iyada oo la diyaarinayo qorshe hawl-maalmeedyada
Xafiiska iyo xaqiijinta fulitaankooda,
-
Xulashada
iyo tababarka hawl-wadeenka Xafiiska,
-
Magacaabidda,
beddelka iyo xil-ka-qaadidda hawl-wadeenka Xafiiska iyada oo uu Guddoomiyuhu
oggolaanayo ilaa heer qaybeed iyo xarunta Dhexe,
-
Diyaarinta
iyo maamulka Miisaaniyadda Xafiiska,
-
Raadinta,
sugidda iyo ururinta wararka cadowga ee ciidan, siyaasadeed iyo dhaqaale,
-
Wax-ku-qabsiga
iyo isu-gudbinta xogaha cadowga iyadoo Ciidammada Xoreynta & Waaxaha kale
ee ay khuseyso lala kaashanayo,
-
Ilaalinta
nabadgelyada xubnaha, hantida & saldhigyada Ururka,
(La
soco qaybta 5aad ……………)
No comments:
Post a Comment