Search This Blog

Thursday, January 24, 2013

Hooyada Dhashay Abu Mansuur Al_Amriki Oo Fariin Culus U Soo Dirtay Wiilkeeda


Jariirada the Guardian ee ka soo baxda wadanka Biritain ayaa sheegtay in Debra Hammami oo ah Hooyada dhashay Cumar Xamaami gudaha al-Shabaabna looga yaqaano Abu Mansuur Al-Amriiki ayaa waxa ay shegtay in ay ka wlaacsan tahay nolasha Wiilkeeda kadib maalinti Sabtida oo ay ugu ekeed xiligi Shabaab ay u qabteen in uu isku soo dhibo ama ay dilayan.

Mrs Debra Hammami waxa ay shaaca ka qaaday in ay rajo weyn ka qabto in ay dhacdo arin mucjiso ah oo uu ku badbaado Wiilkeeda Abu Mansur Al-Amriki.

Hamaami oo 28-sano jir ah ayaa waxa ay maalinti sabtida ugu ekeed xiligii Shabaabka ay ku amreen in hubka uu dhigo iyo sidookale in uu isku dhiibo kooxdaasi.

Debra Hammami waxa ay shaki ka muujisay in Wiilkeeda oo noo l ay dib u arki doonto isagoo ku sugan gobolka Alabama ee Wadanka Maraykanka.

Sidookale Hooyada dhashay Abu Mansur Al-Amriiki ayaa u shegtay jariirada the Guardian in aragtida Wiilkeedaay ugu danbeysay Sanadii 2006,kii isagoo xiligaasi ku sugnaa WadankaMasar,balse waxa ay tilmaantay in arimahiisa ay kala socdaan barta uu ku leeyahay Twiterka

Waxa ay tiri”ma rajo dhigi doono xitaa 100-sano ha qaadato,waxaan rajenaya mar uun inaan arko omar hamaami”.

Debra Hammami ayaa ugu baaqday wilkeda in uu katago Somalia si ay u nabad gahso nafsadisa ama goob aamin ah ka ah goobaha ay gacanta ku hayaan al-shabab.

No comments: