Wararka naga soo gaadhay magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in uu ka bilaabmay dagaal xoogani Buuraha Galgala oo dhawr Kiiloomitir u jira magaalada xeebeeda Boosaaso dagaal oo ah mid aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka culculus.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dagaalka u dhaxeeyo ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo fadhiisimo ku leh halkaasi.
Ciidamada Puntland ayaa la sheegayaa in ay iyagu bilaabeen dagaalka kadib markii ay weerareen fadhiisimada dagaalyahanka Al Shabaab ay ku leeyihiin Buuraha Gal-Gala.
Lama Oga qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka oo wali soconaya, waxaana dagaalkan uu daba socdaa dagaalo waayadan ka jiray deegaanada Gal-Gala.
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment