Search This Blog

Wednesday, January 9, 2013

Caasimada Hargeysa Oo Bac La Ciirciiraysa Iyo Waxyeeladeeda Oo Saamayn Ku Yeelatay Ilaa Noolihii Badda




Magaalooyinka dalka Somaliland ayaa waxa deegaan kasta lagu arkaa bacda ay dadku adeegsadaan hadhaageeda, taas oo xashiish ahaan marka loo tuuro fool xumo weyn iyo waxyeelo ku keenta deegaanka iyo bilicda magaalooyinka, isla markaana dhirta kala duwan caleemahooda ka wada lulata marka dabayshu qaado, iyadoo xataa dhirta ku keenta inay caleemaha yaryar isku duubto oo ka xidho nafaqadii caleentu heli lahayd ee xididadu geedku u soo gudbinayeen, ayaa caasimada Hargeysa goobkasta oo qashin qub ah waxa ugu badan bacda, taas oo inteeda badan laga soo waarido wadamada dibadaha, ayaa sanado farabadan ay shacbiga Somaliland u adeegsadaan inay ku ritaan alaabooyinka yaryar iyo raashinka qaydhiin iyo bisilba qaarkood, taas oo marka banaanka la dhigo ama goobaha xashiishka lagu rido dhibaato weyn ku haysa dadka iyo deegaanada kala duwan ee dalka, 

Waxa kale oo bacda dhibatadeedu gaadhay marka laga yimaado magaalooyinka iyo deegaanada miyiga dhibaatada faraha badan ee ay ku hayso xitaa inay dooxyada biyaha marayaa qaadaan xilli roobaadka, isla markaana noolaha badda ku jira ay waxyeelayso o dhibaato ba’an ku keenta kaluunka iyo noolaha kala duwan ee badda ku nool. 


Sidaasi dareet, waxa loo baahan yahay in laga hawlgalo sidii bacda dibadaha laga soo waaridyo loo yarayn lahaa ama waxyaalo kale loogu badali lahaa adeegsiga bacda dhibaatada ku haysa deegaanka   iyo dadkaba, isla markaana laga nadiifiyo magaaloouinka iyo deegaanada ay waxyeelada ku hayso, sidoo kale golaha deegaanka ee cusub ee caasimada Hargeysa, ayaa waxa horyaala caqabado badan oo isbarkaday oo u baahan waxqabad, kuwaas oo laga rajaynayo inay waxqabad dhab ah ku wajahan hawlaha loo igmaday inay caasimada ka qabtaan.

Hargeysa Somaliland
Xigasho Wargeyska Haatuf

No comments: