Wednesday, December 26, 2012

Xildhibaan Dogox Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Doorashadii Maayarka Cusub ee Hargeysa

Xildhibaan Saleebaan Cabdillaahi Daahir ( Dogax ), oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa, balse aan ka qayb gelin munaasibadii dhaarta iyo doorashadii maayarka Hargeysa, ku dooday inaan lagu soo wargelin fadhigan wax lagu doortay, waxase uu tilmaamay inay la shaqeynayaan Maayarka iyo maayar Ku xigeenka cusub.
Xildhibaan Dogax
Xildhibaan Dogax oo ka mid ahaa afartii Xildhibaan ee Urur siyaasadeedka XAQSOOR uga soo baxay Hargeysa, wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu -galabta ku qabtay magaaladda Hargeysa, waxaanu xusay inaan si wanaagsan lagala tashan laguna soo wargelin maalintii doorashada Golaha deegaanka Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa ugu horeeya oo aan doonayaa inaan si toos ah u taabto maalintii wasiirka arrimaha gudahu uu qadada noo sameeyay waxa uu noo sheegay in ay tahay maalin qado oo ay u baahan tahay marka fadhiga la qabanaayo inuu annaga nagala tashado, halkaas oo aanu ku xusin wax tilaamaya in maalintii xigtay la qaban doono shir oo lagu fadhiisan doono waxna lagu dooran doono ama dhaarba la qaban doono.”

Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Badhasaabka cusub ee la magacaabay ayaa halkaas joogay Xamarji isaguna wax uu noo sheegay ma jirto idaacado wax laga sii daayay ma jirto, waxaan ku war helnay laba iyo tobankii habeenimo in dad is urursadeen. toban xildhibaan oo aan kamid ahaa cid nasoo ogaysiisay ma jirto, subaxii ayaa laysugu yeedhay markii aanu soo toosnay iyada oo aan wakhti iyo goob toona naloo sheegin, waxaanan ku soo toosnay iyada oo maayar iyo maayar ku xigeenba la doortay.”

“ Maayarka la doortay wax naga dhexeeya ma jirto, wax dhibaato ahna nama dhex marayaan haddii isaga la meesha la keenayna, waxaanan jeclaan lahaa inuu sidaas si ka wanaagsan ku iman lahaa. waanu la shaqaynaynaa waanan ku ilaalin doona inuu shaqada si wanaagsan u qabto.”

“Waxa nala haboon in aan xaaladaas dhacday laga faa’idaysan oo aanay dhibaato ka dhacin oo aanay caruuri ku dhiman, taas ayaanu la aamusnayn waanan diidnay inta dareenku taagan yahay inaan hadalno oo dabka aanu baasiin ku sii qabano, waxaan filayaa in aan tan lagu eedayn karin ninka maayarka ah,”ayuu yidhi Xildhibaan Dogox.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment