Friday, December 21, 2012

War degdeg ah: Rag Hubeysan Oo Dhaawac U geystay Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Cusubaa Ee Gobolka Sool


Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Taarwale oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Deegaanka ee magaalada Laascaanood uga soo baxay Xisbiga Kulmiye iyo Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac kadib markii dablay aan la aqoonsani ay caawa ku rasaaseeyeen gudaha magaalada Laascaanood. 

Warkan oo aanu ka helnay Sarkaal Booliska gobolka Sool ka tirsan, isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in Ciidanku markuu falku dhacay kadib ay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo mid ka mid ahi uu reer Koonfureed yahay iyo ka kale oo ka soo jeeda gobolka Sool. 

Warku waxa uu intaas ku darayaa in Xildhibaankan oo dhaawiciisu cuslaa loola soo cararay dhinaca magaalada Burco, iyadoo ay Ciidamada Booliskuna ay baadhis ku hayaan labada nin ee falkan loo soo qabtay. 

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo beegsaday Xildhibaankan iyo Wiilka dhalinyarada ah,hasa yeeshee qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Laascaanood ayaa sheegay inuu falkani xidhiidh la leeyahay,dilalka qorshaysan ee bariinsaday Gobolka Sool,taas oo ilaa iminka aanay jirin talaabo cad oo laga qaaday cida ka danbaysa. 

Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Sool isla markaana ah ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax oo khadka telefoonka aanu kula xidhiidhnay ayaanay noo suuro galin kadib markii uu qaban waayay telefoonkiisa gacanta. 

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan toogashada ah ee lala beegsaday Xildhibaankan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee lagula kaco mudanayaasha golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment