Eng. Yuusuf Warsame Siciid |
Mr. C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” |
Fadhi ay iskugu yimaadeen Golaha
Deegaanka Hargeisa ee cusub ayaa lagu doortay, Maayarka Caasimadda oo loo
doortay Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo ku xigeenkiisa oo loo doortay Mr.
C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne”, kaas oo ay joogeen 15 xubnood.
Garsooraha Maxkamadda ayaa ka dib markii uu dhaariyey xildhibaanadda Golaha
Deegaanka cusub, waxa si rasmi ah, sida uu sharcigu dhigayo, furay Badhasaabka
Gobolka Maroodi-jeex Axmed X. C/laahi Xamarje.
Kulanka dhaarta iyo doorashadda
maayarka iyo ku-xigeenka ayaa ay fadhiyeen 15 xildhibaan. Iyadoo murashaxa
Maayarku uu kaligii isku sharaxay Eng. Yuusuf Warsame oo cid kula tartantay
aanay jirin, halka Murashaxa ku xigeenkuna ahaa C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” cid
kula tartayna aanay jirin. Fadhigan ayaa ay ka maqnaayeen oo aanay ka soo
xaadirin 10 xildhibaan.
15 ka xildhibaan ee fadhigan
goob-jooga ka ahaa fadhiga ayaa kala ahaa:
- Maxamed Aw Adan Wayrax
- Maxamed Daahir Axmed
- Axmed Siyaad Muxumed
- Cismaan Xassan Faarax
- Maxamed Warsame Caalin
- C/casiis Adan Habane
- C/raxmaan Max’ed Caydiid
- Maxamed Cabdi Adan Yoon
- Ilyaas aw Xuseen
- C/laahi Adan
- C/casiis Maxamed Xaashi
- Hanad Xaashi Axmed
- Yuusuf Warsame Siciid
- Ismaaciil Jaamac Aar
- Cabdi Cali Yuusuf.
Kulanka xildhibaanaddu dhexdooda ku
dooranayeen maayarka iyo ku xigeenka waxa guddoominayey, xildhibaanka labaad ee
ugu da’da weyn golaha deegaanka Hargeisa, oo ah Maxamed aw Adan Wayrax,
maadaama uu xildhibaanka ugu da’da weyni oo ah Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uu
murashaxa maayarka u taagan ahaa.
Short URL: http://waaheen.com/?p=56037
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment