Magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxa ka dhacay mudaharaad rabshado wata oo xidhay isku socodka gaadhidka ee Birayshka weyn ee magalaada
Burco kuwaas oo mudo sacaadaa xidhnaa , dadweyne cadhaysan ayaa saaka
iskugu soo baxay dhinaca waqooyi ee biriishka weyn ee Magalaada Burco .
Mudaraadka saaka oo aana gaysan wax khasaara waxa sababay
dadweyne ka cadhaysan saami qaybsiga Beelaah galbeedka iyo Bariga burco
oo taasoo ay dad badani qabaan inay dhinac kaliya ka raran taas oo
magalaada Burco mudooyinkii ugu danbeeyay ka jiray guux ku saabsan masuuliyiinta Maamulka gobolka oo ka soo wada jeeda Beesha Bariga Burco.
Mudaharaadkaas waxa saaka la xidhay dhalinyaro ka mid ahaa dadweynahii sakaa mudaraadka dhigay .
Dhinaca kale dadweynaha ku dhacan galbeedka Burco ayaa qabanqaabinayaa mudaraado lagaga soo horjeedo dawlada oo la filaayo in ay dhacaan maalmaha fooda inagu soo haya
Abdilaahi Jaamac Cali oo ka mida dadka siyaasada falanqeeyaa oo u waramay shabakada Hadhwanaagnews ayaa sidan hadalkisa ku bilaabay ?:
Qorshaha dawladu ka leedahay gobolka togdheer waxa weye in ay togdheer
lala simo Hargeysa Sanaag iyo gobolka saaxil sidaasi daraaded togdheer
waxba kagama duwana Ceeigaabo iyo berbera oo badhasaabka iyo maayarkuba
waa isku reer markaas ma jirto wax ka maanacaaya in uu sii jeego
badhasaabku.
Isku soo wada duudubo waxa dadweynahu indha ku hayaan qabanqabaada mudaraadada laga soo horjeedo dawlada oo hadal haynta ugu badan ee Maanta ka jirta Magalaada Burco .
No comments:
Post a Comment