Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo galabta booqday xarunta dugsigaasi ayaa waxay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta iskuulkaasi faah-faahin kaga bixiyeen waxyaabihii ay ku soo arkeen dugsigaasi.
Sheekh Cumar Xaashi Guunje, oo ka mid ah culimadda Gudida wanaag farista Hargeysa oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ah ku arag dugsiga Abaarso Tech, waxaanu ku dooday in ardayda iskuulka wax ka barataa ay yihiin kuwa filkood ugu aqoonta badan.
“Markii ay cabashada iskuulkaasi nasoo gaadhay waxaanu
goosanay inaanu soo aragno waalidiintii noo timina maanu kaxaysan ee halkan
ayaanu kaga tagnay markaanu iskuulkaa tagnay wax aan khayr iyo wanaag ahayn
kumaanu soo arag,”ayuu yidhi Sh. Cumar Xaashi.
Sheekhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku
daray “Waxaanu waraysanay macalimiintii, waalidiintii iyo waliba ardaydii
dhamaantoodna wax dhibaato ah qolona qolo kama ay sheeganayn wiilal iyo gabdho
arday iyo macalimiin midnaba. Waxa iskuulka laga sheegayo ee la qor-qorayaana
waxay ku eg yihiin Hargaysa markaa waxaanu halkaa ku soo aragnay arday lagu
tabcay oo maanta ah kuwa da’dooda ugu aqoonta badan .”
Sh. Cumar Xaashi waxa uu sheegay in baadhis ka dib ay ku
xaqiijiyeen inaanay wax dhaqan-xumo ahi ka jirin, waxaanu yidhi “Waxaana la
galiyay tacab waalid iyo mid macalinba, sidaa darteed waxaanu cadaynaynaa in
aanay iskuulkaa ka jirin wax dhiilo ahi, culimo ahaan aanaan ku soo arag wax
dhaqan xumo ah ama diinteena ka hor imanaya. waalidka iyo macalimiinta iyo
ardaydana waanu ku amaanaynaa horumarka wanaagsan ee ay sameeyeen,dadka dacaayada
wadana waxaanu leenahay waxba ha ka sheegina aflagaadadana ka daaya.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gudida wanaag-farista iyo xumaan
reebista Hargeysa Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka hadlay xafladaasi
waxa uu yidhi ”Waxaanu intaa uga gudbaynaa ee aanu tallo ahaan ku soo
jeedinaynaa haddii nalala qaato in la dhex galo isla markaana la heshiisiiyo
aasaaseyaashii iskuulka oo dhexdooda khilaaf ka jiro taasi oo noqon karta xalka
uu iskuulkaasi ku sii jiri karo, waana tallo soo jeedin. waxaanan waliba intaa
ku daraynaa in labada nin ee aasaaska iskuulkaa iska lihi ay dusha ka maamulaan
isla markaana loo sameeyo dugsiga maamule kale oo aqoon lagu doortay oo waliba
aad waalidiin ahaan idinku raali ka tihiin.”
Hooyo Xaliimo X. Cabdi Nuur, oo halkaasi ka hadashay ayaa
sheegtay inaanay u dul qaadan doonin caruurtooda lagu aflagaadeeyo
website-yadda qaarkood, waxaanu yidhi “Annagu waalidiin ahaan waxaanu leenahay
dadka Website-yadooda maalin walba caruurtayada laga caayayaw mar dambe u dul
qaadan mayno inaad caruurtayada wax ka sheegtaan haddii ay dib u dhacdana cidii
waxaa qortaa wixii ka yimaada ayaa masuuliyadeeda iska leh.”
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment